Madaxweyne Siilaanyo Oo Guddoomiye U Magacabay Gobolka  Xaysimo

Hargeysa (Berbera news) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay SL/M/XERM/249-2670/082014 ku magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Xaysimo ee Jamhuuriyadda Somaliland.
 
 
 
 
MADAXWEYNUHU:-
 
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadd Somaliland;
 
Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
 
Markuu Tixgeliyay:Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
 
Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Gobolka Xaysimo;
 
Markuu La Tashaday:Madaxda ay hawshani khusayso;
 
Markuu Arkay:In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
 
Wuxuu go’aansaday
 
In Mudane, Cabdirashiid Maxamed Axmed (Xiir), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Xaysimo ee Jamhuuriyadda Somaliland”
 
 
 
Berbera news/Hargeysa