Maydad laga helay badda Talyaaniga

BBC-Ciidamada badda ee Talyaaniga ayaa ka helay siddeed iyo toban mayd doon sabaynaysa badda mediterraneanka. Saddex iyo labaatan kale oo qof ayaa laga badbaadiyay doonta koonfurta jasiirada Lampedusa.

Tan iyo Jimcihii, Talyaaniga ayaa ka badbaadiyay in ka badan saddex kun iyo shan boqol oo qaxooti biyaha u dhexeeya Talyaaniga, Libya iyoTunisia.

Sabtidii doon siday boqol iyo toddobaatan qof ayaa ay doon kula gadoontay xeebta Libya agteeda, iyadoo badanaa dadkii saarnaa laga cabsi qabo inay ku dhinteen.

In ka badan boqol kun oo qof ayaa si qatar ah badda doon ugu soo qaatay sanadkan.

ttt