Wasiirka Caafiaamaafka Oo Fu’aad Aadan Cadde Oo Ka Soo Celiyay Jidkii Uu Maray Xaabsade

Hargeysa (Berbera news) Xukumadda Somaliland  ayaa wada hadal ka dib ku guulaysatay inay dib u soo ladqabayso Lataliyihii Madaxweyne Siilaanyo ee gobolada bari ee Somaliland Fu’aad Aadan Cadde oo hore uga cadhooday Xukumadda.
 
 
Fu’aad Aadan Cadde, oo muddo ku sugnaa Degaanka Xudun ee Gobolka Sool oo uu ka soo jeedo ayaa haatan soo gaadhay Magaalada Burco oo uu ku sugnaan doono ilaa laba habeen sida uu sheegay.
 
 
Siyaasigan Fu’aad Aadan cadde waxaa soo maslixidiisa kaalin mugle ka gaysto islamarkaana ay Xukumaddu u wakiilatay Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xaglotoosiye oo isagu ugu tagay Degaanka Xudun ee uu ku sugnaa.
 
 
 
Xaglotoosiye ayaa wada hadal ka dib ku qanciyay Fu’aad Aadan cadde inuu dib ugu soo noqdo Somaliland oo uu ku sugnaa ilaa markii lagu dhawaaqay gooni isku taaga Somaliland.
 
 
Ilaa hadda lama oga waxa Xukumaddu ay ku qancisay ama u balanqaaday Fu’aad Aadan Cadde, hase ahaatee waxa uu hore uga cadhooday Xukumadda oo aan ka tala galin hawlaha ay ka fulinayso degaanada uu ka soo jeedo. Waxa uu hore u sheegay inaan Madaxweyne Siilaanyo wax talo ah ka waydiin gobolada bari ee uu lataliyaha uga yahay.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa