Isra’iil Oo Duqaysay Xaduudda Rafah Ee Qaza

Hargeysa (Berbera news) Diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil ayaa siiwada duqeynta ay ku hayaan marinka Gaza, kadib markii ay dhamaatay xabad joojintii la dhex dhigay Isra’iil iyo Xamaas.
 
 
 
 
Isra’iil ayaa sheegtay inay duqeysay 20 goobood habeenimadii Axada ee Isniinta soo-galaysay waxayna sheegtay inay duqayn doonto goob walba oo ay ku sugan yihiin xubno kamid ah Xamaas, sida uu shaaciyey Raysalwasaaraha Isra’iil Benjamin Netenyahu.
 
 
 
Diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil ayaa shalay ( axadii) gebi ahaan burburiyay daar 13 dabaq ah oo ay dad badan ku noolaayeen kadib markii ay sheegtay inay goobtaasi xafiis uu ku lahaa ururka Xamaas ee maamulka Gaza.
 
 
 
 
Sidoo kale Xaduuda u dhaxeysa Masar iyo Gaza ee Raffah ayey Isra’iil duqeysay arrintaasi oo loo arko inay qeyb ka tahay qorshaha Isra’iil oo ah inay burburiso dhamaan xarumaha dowlada Falastiin sida, xarumaha Booliiska, Korontada, Biyaha iyo waliba adeegyada kale ee muhiimka u ah shacabka reer Falastiin.
 
 
 
Sabtidii lasoo dhaafay ayey duqeynta Isra’iil ku dhinteen dad gaaraya 11 qof, waxaana la sheegay in dadkii ku dhintay duulaanka Isra’iil ay ugu danbeeyeen wiil 17 sano jir ah iyo gabar jirta hal sano oo xalay waxyeelo kasoo gaartay gantaalada Isra’iil.
 
 
 
Tirada dhimashada dhinaca Falastiin ayaa gaareysa 2120 qof, halka dhinaca Isra’iil ay dhimashadu tahay 68 qof oo ay ku jiraan 2 qof oo rayid ah.
 
 
APTOPIX Mideast Israel Palestinians
 
 
Berbera news/Hargeysa