Madaxweyne Siilaanyo Oo La Sheegay Inuu Isku Shaandhayn Ku Samaynayo Golihiisa Wasiiradda Iyo Xubnaha Qaybta Ka Ah

Hargeysa (Berbera news)  Tibaaxo laga helay ilo ku dhaw-dhaw Madaxtooyada ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo uu bisha sagaaladda ee maalmaha koobani ka hadhsan-yihiin uu Xukuumaddii-sa ku samaynayo isku shaandhayn, taas oo xoguhu ay sheegeen in xilka qaadis lagu sameyn-doono Wasiiradda Arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis, Cadaaladda iyo Gasoorka Xuseen Axmed Caydiid, Gaashaandhiga Axmed X. Cali Caddami, Biyaha Xuseen Axmed Cabddule.
 
 
 
Warka ayaa intaas ku daraya in isku shaandhayntan uu Madaxweyne Siilaanyo la filayo inuu dhawaan samaayo uu ku jiro Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Maal-gashiga Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo  loo magacaabayo Xil Wasiirnimo, balse aanay ilo-wareedyaddu xusin, kaas oo ay Siyaasidiisa soo dhaweayaan waddamadda Geeska Afrika ee Somaliland la jaarka ah. Waxa kale oo isku-shaandhayntan ku jira Xubno kale oo xilal ka soo qabtay Xukuumaddihii hore taladda u soo hogaamiyay.
 
 
 
Wasiiraddan xilka ka qaadista lagu samayn-doono ayaa Ilo-wareedyaddu ay sheegeen inay sabab u yihiin caqabaddo ay kala kulmeen wadda-shaqaynta Madaxweynaha oo mad-madwo uu soo kala dhex-galay, halka Xubnahan cusubna Magacaabistooda sabab looga dhigay beelaha ay ka soo jeedaan oo ay cod ka keeni-karaan, iyadda oo uu Xisbiga KULMIYE mar kale doonayo inuu qabto Hoggaaminta Somaliland.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa