Wasiirka Duulista Oo Sheegay In Muranka Dhul Ee U Dhexeeya Ciidamada Qaranka Uu Salka Ku Hayo Isfaham-daro

Hargeysa (berbera news) Wasiirka Duulista iyo hawadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa muran  khilaafkiisu salka ku hayo dhulk ku ag-dhawa Madaarka Hargeysa uu ay Wasaaraddu masuuliyaddiisa sheeganayso ku tilmaamay mid sababtiisa ay leedahay isfaham-darro dhinaca maamulka ah oo u dhaxaysa Wasaaraddiisa iyo Ciidamadda qaranka.
 
 
Wasiirku waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu maanta hor-tagay Guddida arrimaha Bulshadda Golaha Wakiiladda Somaliland,  waxaana hadaladdiisii ka mid ahaa “Dawlad ahaan Ciidanka Qaranka iyo Wasaaradda Duulistu waa isku xukumad.ma qarinayo in is-fahan darro soo baxday  oo runtii been la sheegi maayo, haseyeeshee anagu dhul ma kala lihin.Anagu meeshan aanu xidhayno dee Maxamuud Xaashina Xidhan maayo Wasaaraddina xidhan-mayso ee Madaarkeenii ayaynu u xidhaynaa. Xeryaha Ciidamada qaranka lagu xad gudbi maayo xerooyinkana la xidhi maayo.” Ayuu yidhi Wasiirka Duulista
 
 
Wasiirku waxa uu intaas ku daray   “Ciidamada Qaranka ee Kamaandowta iyo Ciidamada qaranka ee Kamaandowsta labaduba way ka baxsan yihiin xayndaabka
 
 
Xerada Ciidanka Cirku waligeedba wasaaradda duulista ayay ka tirsanaayeen oo gudahay ku jirayaan, hadiii Isfahan daro soo baxdayna gacantaa arintaas lagu hayaa oo Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka  iyo Raggii Masuulka noo ah ayaa isku kaaya toosinaya oo wax dhiilo ahi ma jirto ee wax wanaagsan baa inoo socda” Ayuu yidhi Wasiirka Duulistu.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa