Xukuumadda Oo Ka Haddashay Saamaynta Uu Yeelan-karo Shir Ka Furmaya Deegaanka Xiin-galool

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa ka hadlay Shir abaabulkiisu mudooyinkii dambe ka socday Degaanka Xiin-galool ee Gobolka Sanaag. Shirkan oo ay qabsanayso Beesha uu ka soo jeedo Wasiir Caddami ayuu ku sheegay inuu yahay mid siyaasad ka madax banaan, isagoo sheegay inuu yahay Shir Beeli arimaheeda kaga hadlayso.
 
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Soomaalidu waxay tidhaa Habaar waa debad, yacnihii qof caafimaad qaba inaad Cudur u saadisaa ma fiicna.Xiin-galool Shir baa ka socda, wali ma socdo ee Abaabulkiisii baa socda, Shirku wali ma furmin oo Shirka waxa la yidhaahdaa marka Ajandihiisa la ogaado ee uu soo baxo, la furo albaabada, la yidhaahdo Ergadii way soo dhamaatay markaas ayaynu u naqaan shir furmay” Ayuu yidhi Wasiir Caddami oo warbaahinta kula hadlayay Hargeysa.
 
 
 
 
Wasiirku waxa uu sheegay in Ajandaha Shirkaasi dhawaan la soo saari doono islamarkaana uu yahay mid dhaqameed oo aanay wax cabsi ah ka qabin “Inta aanu Ognahay, oo aan war ka hayo wax cabsi ah oo aanu ka qabno shirkaasi ma jirto.Anigu halkaas fog eed ku dhereriseen ee Khaatumo labaadaasiyo, waxaan odhan lahaa waar dadka ha maqashiinina maba yaqaaniin Magacyadaase.wax sidaas u eeg oo ka soo bixi karaana ma jiro ayaan anigu leeyahay. Shirkaasi waa shir dhaqameed waxay kaga shaqaynayaan wixii beesha danteeda ah ee inay Bulshada ka dambeeyaan ah iyo sidii ay u horumari lahaayeen iyo danahooda gaarka ah laakiin wax ku tacaluqa maamule kale iyo maamul ay iyagu samaysanayaan intaa midna anigu ma ogi. Waxaanan aaminsanahay inaanay jirin cid iiga war roon Shirkaasi hadii wax shaki ah aanu ka qabnana hadda shirkaanuba joogi lahayne halkan ma joogneen” Ayuu yidhi Wasiirku.
 
 
 
 
Shirka Xiin-galool ayaa mudooyinkii u dambeeyay ba la hadal hayay iyadoo warbaahinta qaar sheegayeen inay Maamulo kale ku lug leeyihiin. Hase ahaatee wararka xogogaalka ah ayaa sheegaya in  Shirkan qabanqaabadiisa ay kaalin muhiim ah ku leeyihiin Qurbejoogta degaankaasi.
 
 

 
 
Berbera news/Hargeysa