LIONEL MESSI OO KU DHAWAADAY TELMO ZARRA OO HAYSTA GOOL-DHALINTA HORYAALKA SPAIN

Labadii gool ee Lionel Messi ka dhaliyay kulankii Barcelona la yeelatay Elche ee La Liga Spain ka tirsanaa, ayaa u suurto-geliyay inuu ku dhawaado Telmo Zarra oo haysta rikoodhka gool-dhalinta horyaalka Spain.

riyalq

 

 

Messi waxa uu horyaalka Spain ka dhaliyay 245 gool, waxaannu u baahan yahay inuu dhaliyo 6 gool si uu u gaadho laacibka ugu gool-dhalinta badan horyaalka Spain ee Telmo Zarra oo dhaliyay 251 gool.


Messi oo hore u dhaafay Hugo Sánchez (234), Raúl González (228) and Alfredo Di Stéfano (227), ayaa la sadaalinayaa in uu ciyaaraha soo socda noqdo ciyaartoyga ugu gool-dhalinta badan.

Laacibkan reer Argentina oo saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay inuu xilli-ciyaareedkan noqon doono laacibka ugu goolasha badan taariikhda horyaalka Spain, haddii aannu dhaawacmin.