Maayarka Hargeysa Oo Dhagax-dhigay Garoon Kubadeed Oo Lagu Muransan-yahay

Hargeysa (Berbera news) Maayarka caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa dhagax dhigay garoonka kubadda cagta ee Degmadda Macalin Haaruun ee xaafadda New Hargeysa oo ay ku muran-san yihiin Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dawladda hoose.
 
 
Garoonkan uu Soltelco dhagax-dhigay ayaan la sheegeen in xal laga gaadhin khilaafkii ka tagnaa, waxaanay Mudanayaal ka tiran Golaha Deegaanka la sheegay inay Mushaharkoodda ay ugu deeqeen dhismaha garoonkan.
 
 
 Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko oo hadal uu ka jeediyay dhagax-dhigan Garoonka ayaa waxa ka mid ahaa hadaladiisii .
 
 
 “Dhulkan aanu ugu tallogalay in aanu ka dhigno garoon ay yeelato Macalin Haaruun, waxaanu u ballanqaadayaan in aanu dhisno, isla markana qaybta u badan ka qaadano, waxaana mushaharkayga ugu deeqay dhismaha garoonka shan boqol oo dollar, waxaana dadweynaha xaafadana leenahay waa inaad ka qaybqaadaan dhismaha garoonkan weyn oo aanu sugnay dhulkiisa, waadiga arkaya in lagu soo durkay waxaana ku tallo jirnaa in sida ugu dhakhsiyaha badan u dhisno garoonkan”ayuu yidhi Maayarku.
 
 
 
Garoonkan ayaa waxa dhawaan muran uu ku dhex-maray Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha iyo Golaha Deegaanka Hargeysa, iyadda oo aan ilaa hadda la sheegin inaan si rasmi ah xal looga gaadhin murankan.
 
Berbera news/Hargeysa