Musharaxa Madaxweynaha  Xisbiga UCID Oo Ka Waramay Qodobaddii Ay Ka Wadda-hadleen Qaadhaan-bixiyayaasha Doorashadda

Hargeysa (Berbera news) Madaxweyne ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa Sharaxaad ka bixiyey Kulamo  Shalay dhex maray Asxaabta Mucaaradka ah iyo Qaadhaan bixiyeyaasha Doorashada ka taageera Somaliland. Waxa uu sheegay inay kala hadleen arimaha Diwaan galinta oo ay ku muran san yihiin Mucaaradka iyo Xukumaddu.
 
 
 
 
Jamaal Cali Xuseen oo maanta Warbaahinta la hadlay, waxa hadaladiisii ka mid ahaa  “Waxaanu Qaadhaan bixiyeyaasha kala hadalay Arimaha Somaliland danta u ah, waxaanu kala hadalay Doorashooyinka iyo arinta ugu way nee ay u yimaadeen oo ah Xeerka labada diwaan galinood e eta madaniga ah iyo ta codbixiyeyaasha oo Xukumaddu gadhka isku galisay, taasi oo abuurtay jaah wareer badan” Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
 
 
 
 
Jamaal Cali Xuseen  waxa uu intaas ku daray, isaga oo jawaabay Su’aal laga weydiiyay inay qadhaan-bixiyayaasha ay u gudbiyeen dacwad, waxa uu ku jawaabay  “Dee Meesha dacwad ba maaha, waraaqo ayaa yaala Dhokomentis baa yaala, waana wax mar hore la kala saxeexday oo go’aan lagu gaadhay.maaha dacwad cusub iyo wax hadda la isku haysto ee Saxeexii  madaxweynaha ayaa yaala, saxeexii Wasiirka daakhiliga yaala, markaa dawladani waxay gashay  balanqaad ay Dadka u qaaday oo qaadhaan bixiyeyaasha u qaaday oo waliba qoraal ahaan inay sidaasi u soconayaan diwaan galinuhu balse maanta way ka duween” ayuu yidhi Musharax Jamaal.
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa