Sirdoonka Somaliland oo Idaacadd FM ah oo u socotay dalka Itoobiya ku qabtay Madaarka Hargeysa

Hargeysa (Berbera news)  Ciidanka Nabad-sugida Somaliland ayaa toddobaadkii hore dabayaaqadiisii Magaaladda Hargeysa ku qabtay Idaacad FM Radio ah oo ku socotay dalka Ethiopia. Ragga watay Idaacadda lagu qabtay Hargeysa ayaa sheegay inay ka tirsanaan jireen jabhadda ONLF hase yeeshee ay hada ka mid yihiin jabhad cusub oo ka dagaalami doonta gudaha Ethiopia.
 
 
 
 
Warar Rasmi ah oo aanu ka helnaya Hay’adda Sirdoonka Somaliland Ilo ku dhaw dhaw ayaa Farriinnews. u xaqiijiyey inay Somaliland Idaacadan qabatay, wallow ay warar is khilaafsan ka soo baxayaan meesha loo waday.
 
 
 
 
Wararka qaar ayaa sheegaya in Idaacadan loo waday Jabhad aan la garanayn oo la hadal hayo inay ka abuurantay khilaafka Maamul ee u dhaxeeyea Masuuliyiinta Xisbiga Maamula Dawladd Deegaanka Somalida Itoobiya, halka warar kalena ay sheegayaan in raga lagu qabtay ay ku xidhiidhiyeen masuuliyadda Idaacadan Madaxweynaha Maamulka Kililka shanaad.
 
 
 
Warkan ayaa sheegaya in Idaacadda lagu qabtay saddex nin, kuwaas oo doonayey in loo cashuuro, balse markii la ogaadayba qalabka ay Cashuurayaan laguw ar helay inay Idaacad tahay, taasoo keentay in masuuliyiinta maaliyadda ee Kastamka Madaarka Hargeysi war galiyaan Booliiska, kuwaas oo iyana u gudbiyey Sirdoonka.
 
 
 
Warku waxa uu intaas kudarayaa in Sirdoonka Somaliland war-geliyeen Dawladda Federalka Dalka Itoobiya, kuwaas oo iyana baadhis ku haya Idaacadan halka laga keenay iyo halka ay ku socotay, inkasta oo durtaba warka ka soo baxayaa sheegayo in laga keenay Dalka Ingiriiska.
 
 
 
Maamulka Kililka shanaad ayaa waxa ka jira Khilaaf Maamul kaasoo u dhaxeeya Madaxda ugu saraysa iyo kuwa Xisbiga, kuwaas oo la filayo inay maanta u fadhiistaan Xil ka xayuubinta Madaxweyne Cabdi Iley, kadib markii Eedaymo badan oo dhinaca maamulka ah iyo kuwa Siyaasadeedba looga geeyey raysal wasaaraha dalka itoobiya.
 
 
 
Raysal-wasaaraha Dalka Itoobiya ayaa u soo diray fadhiga Guddida fulinta ee Xisbiga haya talada Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya dhawr guddi si ay goob joog uga ahaadaan qaabka uu shirkaasi u dhaco iyo Natiijadda ka soo baxdaba.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa