Toogasho Ka Dhacay Madaarka Diyaaraddaha Jabuuti Iyo Dareenadda Ku Xeeran

Jabuuti (Berbera news) Wararka ka imanaya wadanka Djibouti ayaa sheegaya in shalay galabnimadii toogasho ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Djibouti, Toogashadan ayaa ku soo beegantay iyada oo uu isla shalay galabtii garoonka ka soo degay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo dalka dibadiisa ku maqnaa.
 
 
La taliyaha dhinaca warfaafinta ee Madaxweynaha Djibouti Najiib Cali Tahir ayaa sheegay in madaxweynu uu goobta ka baxay toban daqiiq ka hor toogashada.
 
 
 
War saxaafadeed ka soo baxay Taliska ciidanka ilaalada Jamhuuriga oo ah ciidanka qaabilsan ammaanka iyo nabadgaliyada Madaxweynaha Djibouti ayaa sheegay in askari ka tirsan ciidankaasi uu rasaas furay , isaga oo dhaawacay laba qof.
 
 
 
Mid ka mid ah labada qof ee dhaawacmay ayaa ah Dr Idiris Cabdi Galab oo isagu ah sarkaal ka tirsan ciidanka ilaalada jamhuuriga ah isla markaana qaabilsan caafimaadka Madaxweynaha. La taliyaha dhinaca warfaafinta ee Madaxweynaha Djibouti ayaa sheegay in sababta toogashadu ay u muuqato khilaaf gaar ah oo u dhexeeyay askariga rasaasta riday iyo Dhakhtarka dhaawacmay.
 
 
Falkan ayaa ah kii u horeeyay ee noociisa ah ee ka dhaca wadanka Djibouti.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa