Bulshadda Ku Dhaqan Hargeysa Oo Cabasho Ka Muujiyay Qashin Xidhay Biyo-mareenadda Iyo Eedo Ay U Jeediyeen Dawladda Hoose

Hargeysa (Berbera news)  Iyada oo lagu jiro Xili Roobaadka ayaa waxa Maalmihii u dambeeyay Magaaladda Hargeysa ka da’ay  Roobaba sababay inay xidhmaan Goobihii loogu tallo-galay inay Biyuhu maraan ka dib markii uu qashin buuxiyay goobahaasi.
 
 
 
 
Qaar ka mid ah Shacabka ku dhaqan Magaaladda Hargeysa ayaa cabasho ka muujiyey qashinkan, kuwaas oo Dawladda hoos ee Hargeysa ku dhaliilay in aanay xil iska saarin Nadiifinta Qashinkani.
 
 
 
 
Golaha Deegaanka Hargeysa ayaa xilkan haya muddo ku dhaw laba sano, iyaga oo xiligii lagu jiray ololihii Doorashaddii Golaha Deegaanka ee sanadkii 2012-kii Somaliland ka qabsoontay ay balan-qaadeen inay wax ka qaban-doonaan Bilicadda Caasimada Hargeysa.
 
 
Halkan ka daawo.

 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa