Diyaarado Sida Wufuud  Ka Qayb-galaysa Caleemo Saarka Cali Khaliif Oo Ka Soo Degay Buuhoodle

Buuhoodle  (Berbera news) Saddex Diyaaradood oo kala siday Wufuud ka qayb galaysa Caleemo saarka Cali Khaliif oo berri ka dhacaysa Saax-dheer ayaa manta ka soo diiiidagay garoonka diyaaradaha Buuhoodle, halkaas oo ay gaadiid ka sii raaci doonaan.
 
 
Diyaaradaha ka soo dagey Buuhoodle ayaa ka soo kala kicitimay Muqdisho iyo Nairobi, waxaanay sideen Isimo iyo madax ka tirsan Dawladda Federalka Somaliya, kuwaas oo ujeedada safarkoodu yahay ka qayb gaka xafladda Caleemo saarka Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo Prof: Cali Khaliif Galaydh.
 
 
Xukuumadda Somaliland ayaa shalay dagaal ku qaaday maleeshiyada ilaalinaysa tuuladda Saax-dheer ee Cali Khaliif ku sugan yahay, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac, hase yeeshee lama oga inay berry weerari doonaan iyo inkale.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa