GARY MCALLISTER OO LIVERPOOL UGA DIGAY HALISTA LAACIBKA AY IIBSADEEN EE MARIO BALOTELLI

Gary McAllister, ayaa Liverpool uga digay rabshad iyo kala qaybsanaan Mario Balotelli ka dhex abuuro ciyaartoyga Liverpool, kadib markii uu laacibkan qallinka ku duugay heshiis saddex sanno ah.

448926_heros

Waxa uu laacibkan hore ugu ciyaari jiray Liverpool ee McAllister xusay in 24 jirkan yahay rabshad wade khalkhal ka dhex abuuray ciyaartoyga kooxihii uu u soo ciyaaray, loona baahan yahay Rodgers si gaar ah ula socdo.

“Waxa uu leeyahay xirfad kubbadeed oo aad u saraysa, balse waxa ku lamaan rabshad iyo qalalaase sababi kara inuu kala qaybsanaan ka dhex abuuro ciyaartoyga,” ayuu  yidhi Mr. Gary McAllister.


Digniinta McAllister waxay ku soo beegantay waqti taageerayaasha Liverpool ku kala qaybsan yihiin iibka Mario Balotelli, iyadoo kuwo badan ku doodayaan in aannu u qalmin funaanada naadiga.