Maareeyaha Tv-ga Qaranka Oo hor istaagay Bandhig lagu taageeraayo Fannaankii weynaa ee Maxamed Faarax oo muddo dheer dhul-yaal ah

Hargeysa-(Berberanews)-Maareeyaha Telefiishanka Qaranka Khadar Cali Gaas, ayaa diiday in Telefiishanka laga sii daayo Ii dheh loo sammeeyay Bandhig-fanneed lagu taageerayo Fannaankii weynaa ee Maxamed Faarax Xirsi oo muddo dheer u jiifay xannuun.
Khadar Cali Gaas oo aan aqoon badan u lahayn fannaaniinta iyo saxaafadda toona, balse laga soo xambaaray dalka Ingiriiska, ayaa ku gacan-saydhay Xayaysiiska Barnaamij-fanneedka tabarucaadka ah, oo fannaaniin tiro badani ka qaybgelayaan, taasoo aanu sheegin ujeedada rasmiga ah ee uu u diiday.

Fannaaniinta bandhig-fanneedkan ku taageeraysa Maxamed Faarax Xirsi oo aad u tiro badan waxaa ka mid ah fannaaniinta dalka gudihiisa iyo kuwa qurbojoogta ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin Yurub Maxamed Cabdi (Geenyo), Maxamed Siciid Cabdi (Bk), Asma Love, Maxamed Cirro, Cabdiraxmaan Caydiid, Cabdi-hani Xaashi Cabdillaahi, Ifraax Hargeysa, Cabdi Qaboojiye, Halwad, Cunjuf, Nimco Yaasiin Carraale, Cabdiwahaab Kamace, Mustafe Oomaar, Saxardiid Maxamed Saxardiid iyo kuwo kale oo badan.
Fannaan Maxamed Faarax Xirsi wuxuu ka mid yahay fannaaniinta Qaranka Somaliland ee aas-aastay fanka wakhtigii dalka dub loogu soo noqday, waxaa nasiib darro ah in xukuumaddii hakratay ay maantana u quudhi weydo qaadhaanka fannaaniintu u hureen in laga sii daayo Telefiishanka Somaliland.




\

Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalka Fannaanka Maxamed Faarax Xirsi oo ka heesaya Furitaankii Tiyaatarka Wasaaradda Warfaafinta sannadkii 2000 oo uu xadhiga ka jaray Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji-Ibraahin Cigaal.

Raggii libinteeda lahaa miyaa laga masuugay maanta
Halkan ka daawo Maxamed Faarax Xirsi iyo Furitaankii Tiyaatarka Wasaaradda Warfaafinta 2000