Xukuumadda Oo Ka Haddashay Ujeedadda Safarka Uu Dalka Ku Yimi Ku Xigeenka Amaniga Ingiriiska

Hargeysa (Berbera news)- Ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka dalka Ingiriiska Mr. Hugh Powell, ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) shalay, waxa uu ugu gudbiyey farriin uu ka siday Ra’iisal-wasaaraha Britain Mr. David Cameron.
 
 
 
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis oo Jamhuuriya khadka telefoonka ugaga xog-warramay safarka Ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka ee UK iyo nuxurka kulan uu la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu sheegay in dhinacyadu ka wadahadleen qoddobo khuseeya xidhiidhka labada dal iyo iskaashiga xagga ammaanka ee ka dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska.
 
 
 
 
“Ninkani waa Ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka ee UK, waana masuul aad darajadiisu u sarrayso. Waxa aannu ka wadahadalnay xidhiidhka ka dhexeeya Ingiriiska iyo Somaliland, gaar ahaan dhinaca amniga, xasilloonida iyo doorka Somaliland kaga jirto arrimaha mandaqadda Geeska Afrika. Waxa isaga iyo madaxweynuhu kormeereen xarunta ciidanka RRU-da oo ah ciidan si gaara u tababar, looguna talogalay la-dagaallanka argagixisada iyo ka hortagooda, si fiican ayuuna u indho-indheeyey ciidankaas iyo horumarka ay sameeyeen,” ayuu yidhi Wasiir Biixi.
 
 
 
 
Waxa kaloo uu sheegay in Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Ingiriisku isla soo qaadeen xiisadaha ka taagan degaannada bariga Somaliland, gaar ahaan kooxda Khaatumo iyo falalka amni-darro ee ay wadaan, iyadoo dawladda Somaliland u sharraxday inay ka shaqaynayso sugidda xuduudkeeda, cidna aanay ka oggolayn inay  ku xadgudubto xadka iyo madaxbannaanida qarannimadeeda.
 
 
 
 
 
Wasiirka oo la weydiiyey dareenka dhinaca ammaanka la xidhiidha ee sarkaalka dawladda Ingiriiska ka tirsan ka bixiyey Somaliland markii uu yimi Hargeysa oo uu u hoyday habeenkii Arbacada, waxa uu yidhi; “Waxa uu arkay xasilloonida iyo ammaanka ka jira Somaliland. Meelo badan ayuu maray. Aad buu u dareemay in Somaliland tahay dal xasilloon, isagoo masuuliyiinta qaranka ku ammaanay arrintaas iyo hawlaha lagu horumarinayo nabadgelyada, cid walibana way ogtahay in Somaliland tahay dal nabadgelyadiisu fiican tahay, la iskuna hallayn karo.”
 
 
 


\
 
Wasiirka Khaarajiga oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey ujeeddada safarka Ku-xigeenka Amniga Qaranka Ingiriisku ku yimi Somaliland, waxa uu yidhi; “Waxa uu Ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska ka siday farriin ah in dawladda UK ka war-qabto kaalinta Somaliland kaga jirto la-dagaallanka argagixisada iyo adkaynta amniga mandaqadda Geeska Afrika, waxaannu Madaxweynaha Somaliland u gudbiyey farriin mahadnaq ah oo uu ka siday Ra’iisal-wasaarihiisa. Waxa kaloo uu u socday, lagana wadahadlay hawlaha shir bisha October ee sannadkan 2014 ka dhacaya dalka Ingiriiska oo ku saabsan dhaqaalaha iyo maalgashiga Somaliland.”
 
 
 
 
 
Waxa kaloo la weydiiyey aragtida Ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka ee UK iyo dawladdiisu ka qabaan kooxda Khaatumo ee Cali Khaliif Galaydh hormuudka ka yahay, waxa uu ku jawaabay; “Dawladda Ingiriiska iyo cid kasta oo nala soo xidhiidhaaba waxay sheegaan in dhibka jira lagu xalliyo wadahadal iyo hannaan nabadgelyo, laakiin haddana dawladda Somaliland waxay mar walba ku dheggan tahay, rumaysan tahayna in wixii tabashooyin ah ee jira miiska wadahadalka lagu dhammeeyo, basle aanay oggolayn in maamul gooni ah laga dhiso gudaha xuduudka Somaliland.”
 
 
 
 
Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sidoo kale sheegay in safarka sarkaalkani ku yimi Hargeysa, una hoyday hal habeen uu muhiimad gaar ah u yahay Somaliland, tilmaanna ka bixiyo heerka nabadgelyo iyo amni ee Somaliland ku tallaabsatay.
 
 
 
SIXID: Cadadkii Jamhuuriya  ee soo baxay shalay waxa lagu faafiyey in  Ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka (Deputy National Security Adviser) ee waddanka Ingiriiska ee safarka ku yimi Somaliland magaciisu yahay Mr. Julian Miller, iyadoo isla sawirka masuulkaasi ku soo baxay wargeyska.
 
 
 
Hase ahaatee, La-taliye Ku-xigeenka Amniga Qaranka Ingiriiska ee safarka ku yimi Somaliland, waxa magaciisu sax ku yahay Hugh Powell oo ah sarkaal sare, qoyskiisuna magac ku leeyihiin waddanka Britain, waxana dhalay siyaasi caan ah oo la odhan jiray Charles Powell oo ahaa La-taliyiihii guud ee siyaasadda arrimaha dibadda u qaabilsanaa haweenaydii Ra’iisal-wasaaraha ka ahayd dalkaas ee Margaret Thachers, sidoo kalena waxay ilma-adeer yihiin Jonathan Powell oo ahaa abbaandulaha ciidammada Ingiriiska ee xukuumaddii Tony Blair.
 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa