“Anigu Ma Tagin Saax-dheer, Waxaan Joogaa Dubai ” Cali Maxamed Geeddi

Hargeysa (Berbera news) Ra’isal wasaarihii hore ee Somalia Cali Maxamed Geedi ayaa beeniyay warar sheegaya inuu gacanta u galay Ciidanka Somaliland xilli uu joogay Deegaanka Saax-dheer.
 
 
Cali Maxamed Geeddi oo la Hadlay qaar ka mid ah warbaahinta DHinaca Koonfurta Somalia laga leeyahay, ayaa sheegay inaanu tegin dhinaca Degaanka Saax-dheer, isla-markaana uu ku sugan yahay Dalka Imaaraadka Carabta.
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaa nasiib darro ah in warar ku tiri ku teen ah suuqa la geliyo oo ahaa in aniga la igu qabtay degaanka Saax-dheer” ayuu yidhi Xildhibaan Prof. Cali Maxamed Geedi oo ku booriyay weriyeyaasha in wararka ay qorayaan iska hubiyaan run iyo been waxa ay yihiin.
 
 
Cali Maamed Geeddi ayaa intaas raaciyey inuu ku sugan yahay dalka Imaaraadka carabta, isla-markaana warkaasi yahay mid aan si fiican loo hubin, waxana uu yidhi, “Aniga ma tegin Saax-dheer, waxaana joogaa Dubai” ayuu mar kale yidhi Xildhibaanka ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo sheegay in nasiib darrada maanta heysata weriyeyaasha ay tahay khibrad yarida ka soo wajahday mihnadooda, taasi oo ay ugu wacan tahay xaaladda dalku marayo xilligaan.
 
 
 
Warbaahinta qaarkood ayaa qoraya in Prof. Cali Maxamed Geeddi uu ku jiro Gacanta Ciidanka qaranka, isla-markaana loo soo wado dhinaca Magaaalada Burco.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa