Cali Khaliif Oo Ka Hadlay Dagaalkii Ciidamadda Qaraku Ay Ku Qabasadeen Saax-dheer

 Hargeysa (Berbera news)  Madaxweynaha Kooxdda  KhaatumoDr. Cali Khaliif Galaydh oo isaga iyo xubno maamulkiisa ka tirsan shalay ka baxsadeen tuulada Saaxdheer oo la doonayay in lagu caleemo-saaro kaddib weerar ay ku qaadeen ciidamada Qaranka Jamhuuryadda Somalialand ayaa ka hadlay markii ugu horraysay dagaalkaas.
 
 
 
 
Dr. Galaydh waxa hadaladiisii ka mid ahaa  “Dad bani’aadam ah ayaanu nahy… dad muslim ah ayaynu nahay… waxaynu nahay dad leh xuquuq ay dunida oo dhan wada qirsan tahay; oo ay u taagan tahay xukuumadda Xamar ka dhisan… marka waxa dadka lagu dilayo laguna xirayo waa ha shirina… ha tashanina… maamul aad leedihiinna ha sameysanina,” ayuu yidhi Cali Khaliif.
 
 
 
Waxa uu intaas ku daray  “Annagu haddaan Khaatumo nahayd nabad gudahayaga ah ayaanu rabaa… dib u heshiisiin gudahayaga ah ayaanu rabnaa… waxaana doonaynaa inaan si nabad ah kula noolaanno maamullada dariska nala ah ee Somaliland iyo Puntland,” ayuu mar Galeydh hadalkiisa ku daray.


 
 
 
Isagoo sii wata, waxa uu yidhi . “Cid aan ka yeelayno khasab baan idin xukumaynaa ma jirto waanuna diidnay; mana ogolaanayno intii ay rabto ha nagu qaadatee.”
 
 
 
Cali Khaliif oo aan sheegin halka uu ku sugan yahay, ayaa wararku waxay sheegayaa in isaga iyo xubno maamulkiisa ka tirsan ay haatan joogaan deegaanno ka tirsan dhulka ay ka taliso Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya halkaasoo uu shalay u baxsaday, waxaana weli xiisadi ay ka taagan tahay deegaanka Saaxdheer oo weli gacanta ugu jira ciidamada Qaranka Dawladda Somaliland.
 
 
 

 
Berbera news/Hargeysa