Lacagta Sharci Darada ah ee Wasiirka Duulistu Ka Urursado Qurba Jooga iyo Dadka kale ee Ka Dhoofa Kana Soo Daga Madaarada Dalku Waa Maqdarad Casriyeysan.

Magacaabista uu siilaanyo magacaabo masuuliyiinta qaranka ee ay wasiiradiisu kow ka yihiin,waxay la mid tahay fasax ama ruqsad uu siilaanyo masuuliyiintaasi uu magacaabo u siiyo boobka hantida umadda ,tusaale ahaan golaha wakiiladu waxay wasiirka duulista u ansaxiyeen xeerka amniga madaarada ee xeer no,61.2013-kii oo ay golaha wakiiladu ansaxiyen 16/02/2013-kii madaxweynuhuna saxeexay 20/02/2013kii sidaasina dhaqan gal ku noqday.
 
 
Waxaanu xeerkan amniga amdaaradu qodobkiisa 4 aad u dhigan yahay sidan.
 
Dhoofe kasta oo sita tigidh diyaaradeed isla markaana leh kursi iyo miisaan u gaar ah wuxuu bixinayaa takaaliif lacageed oo dhan$10.
 
Hadaba wasiirka duulista Maxamuud Xaashi Cabdi wuxuu la mid noqday islaantii tidhi Ilaahayow caanaha cadaantooda adigaa ii haya badnaantoodana aniga ayaa isku haya,waxaanu wasiirka duulistu 10 doolar ee golaha wakiiladu u ansaxiyeen dadka ay ku waajibtayna uu xeerku si cad u qeexay wuxuu u bedelay dadka ka dhoofaya ama ka soo degaya garoonada dayuuradaah Somaliland in qof kasta oo ay da’diisu ka weyn tahay 15 jir laga qaado $43 doolar qof kasta oo ay da’diisu ka yar tahay 15 jirna  in laga qaado $15 doolar ,labada madaar ee hargeysa iyo berberana marka la isku celceliyo dadka ka dhoofa iyo kuwa ka soo dega qiyaas ahaan waa  1000 qof ,lacagta sharci daarda ah ee wasiirka jeebkiisa ku dhacdaana sanadkiiba waxay gaadhaysaa 1,000,000 milyan doolar.
 
 
Hadaba waxa wax lag yaabo ah sida la isku waafajin karo boobka hantida umada ee halkaasi gaadhay ,oo weliba waxaynu arki jirnay hanta umadeed oo marka la boobayo la qariyo ,tani se waxayba ahayd fariin aan qarsoodi lahayn oo qof kasta oo mobile sita fariin loo so diray oo lagu wargeliyey in uu dhoofe kastaaba horey ka soo qaato lacagta maqdaarda ah ee sida sharci darada ah looga qaadayo,xili ay dhalinyaradii reer Somaliland ee ka soo baxay jaamacadaha dalku markii ay shaqo waayeen ay u dhaqaaqeen tahriib,kuwii waayay lacag ay ku tahriibaana ay bilaaben inay is daldalaan sida ka dhacday dhawr xaafadood oo ka mid ah magaalada hargeysay bishan gudaheeda.
 
 
Akhristow maqdaradu waxay ahayn jirtay hab ama farsamo lacag qaadhaan ah loogu ururiyo qof umada dhexdeeda maamuus iyo qadarin ku dhex lahaan jiray ama hanta haysan jiray oo hantidii ka baxday ayey asxaabtiisa iyo xigtadiisu isku iman jireen waxayna cayimi jireen maalinta maqdaarda loo dhigayo ninka odayga ah ee hantidii ka baxday,waxaana fariintaasi la gaadhsiin jiray qof kasta oo loo arko in uu ka qayb qaadan karo maqadarada ,guriga maqdaarda lagu dhigayaana waa in uu ahaado guri ay soo wada garanayaan ama ay si fudud u soo heli karaan dadka ka qayb qaadanaya maqdarada.


 
 
 
Sidoo kalena waxa gogol qurux badan lagu xidhi jiray guriga maqdarada lagu qabanayo ninka maqdarada loo dhigayaa hadii uusan ahayn bukaan jiif waa in uu goobta fadhiyaa,waxaana ninka maqdaarda loo dhigayo sida arooska oo kale hareero fadhiisan jiray saaxiibadii iyo xigtadiisa ,inta badana ninka maqadarada loo dhigayaa wuxuu soo huwan jiray go shaal ah,dadka maqdarada ka soo qayb galaana rag iyo dumar kii uu doono ha ahaadee wuxuu salaanta ugu horeysiin jiray ninka maqdaarda loo dhigayo,qof welina marka uu so galo guriga lacagtii uu maqdarada kaga qayb qaadanayey ayuu qadarkeeda sheegayaa ,waxaanu lacagta u dhiibayaa ninkii hawshaasi loo xil saaray oo dadka dhexdooda fadhiya,lacagta maqdaardana waxa lagu ururin jiray go weyn oo loogu talo galay oo dadka dhexdooda yaala .
 
 
 
 
Maqdaradu maaha wax iska socda oo aan soo af gu’in sida lacagtan dadka sida sharci darada ah lagaag qaado madaaarda Somaliland ee waxay socon jirtay 8 sacadood oo kaliya oo ka bilaama maalinta maqdarada la qabanayo 2:00 duhurnimo ilaa 8:00 fiidnimo ,qofka ay maalinta maqdarada la qabaanyo ay hawli xanibto ee iman kari waaya lacagta maqdarada wuxuu keeni jiraty  maalinta labaad ama maalinta sadexaad ,qofkaasina maqdaradii si toos ah ugamuu qayb qaadan wuxu se ahaan jiray nin kaaliyey ama caawiyey ninkii maqdarada loo dhigay.
 
 
 
 
Maqdaradu waa hab la isku caawin jiray oo ka meeqaam sareysa qaadhaanka qof baahan loo ururiyo qof walna halkiisa loogu tago lagana qaado wixii uu awoodi karo,lacagta sharci darada ah ee maqdarada dadban ah ee wasiirka duulistu umadda ka urursanayaa waxa ka mid ah lacag lag qaado baabuurta sida dadka dhoofaya iyo dadka si dhaweynaya ama soo dhaweynaya dadka dhoofaya iyo kuwa ka soo dagaya madaarka ,lacagtaasi oo ku dhaw saacadiiba $ 2 doolar.
 
 
 
Akhristow hadii aad is barbar dhig ku samayso 5-tii xubnood ee golihii sare ee kacaanka dawladii milateriga ahayd ugu awooda badnaa waxay kala ahaayeen shan xubnood oo ka soo kala jeeda beelaha soomalida oo dhan,halka manta shanta xubnood ee ugu awooda badan xukuumada siilaanyo ay yihiin shan xubnood oo qoys ka soo wada jeeda oo uu kamid yahay wasiirka duulista hawadu Maxamuud Xaashi Cabdi ,xubnahaasi uu ka mid yahay wasiirka duulistu ee shanta ahi oo isku jira rag iyo duamrba leh,oo qaarkood xil ay umadan u hayaan oo loo magacaabay aysan jirin,kuwan oo umada ku boobaya awooda ay dawladnimo ee ay adeegsanayaan.
 
 
 
Hadaba akhriste shantii xubnood ee ugu awooda badnaa golihii sare ee kacaanka ee xukuumadii milareriga ahahyd waxa ay kala ahaayeen.
1: Maxamed Siyaad Barre oo ka soo jeeday beesha Mareexaan
2: Maxamed Cali Samatar oo ka soo jeeday Beesha tumaalaha
3: Xuseen Kulmiye Arfax oo ka soo jeeday beesha Hawiye
4: Axmed maxamuud Faarax (ina laxwas)oo ka soo jeeday beesha Isaaq
5: Axmed Saleebaan CAbdalle (ina saleebaan dafle) oo ka soo jeeday beesha dhulbahante
 
 
 
Hadaba Isku soo wada duuboo Lacagta Sharci Darada ah ee Wasiirka Duulistu Ka Urursado Qurba Jooga iyo Dadka kale ee Ka Dhoofa Kana Soo Daga Madaarada Dalku Waa Maqdarad Casriyeysan, Xilkana Lagama Qaadi Karo oo  Wuxuu Ka Mid Yahay Shanta Xubnood ee Ugu Awooda Badan Golaha Sare ee kacaanka.
 
 
 
 
 
Qalinkii:C/risaaq Suudi Nuur
Tel:4425243
Email:suudi88@gmail.com
Hargeysa/Somaliland