Wasaaradda Macdanta Iyo Tamarta Oo Soo Bandhigtay Wax-yaabihii U Qabsoomay

 Hargeysa (Berbera news)  Warsaxafadeedkan oo uu soo-saaray Afhayeenka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Maxamuud Askar Waxqabdka Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta
Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL waxay diraaso qoto dheer Iyo Wacyigalin badan  ku sameysay tamrta Somaliland iyaga oo ka duuliya baahiyha dalka ka dhiman iyo suququlka koranta ee dalka ka jirta ,iyadoo Somaliland tahay wadanka aduunyada ugu qaalisan dhanka Laydhka , 1 KW waa 1dollar halka Ethopia-da ina la jaarka ah ay laydhkoodu yahay 1KW  10 cent $ taaso macnaheeda waa samaliland waxay ka jaban yihiin 90% .
 
 
Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Md Xuseen Cabdi Ducaale waxaa uu xidhiidh la sameeyay Haydaha caalmiga , Bangiga Aduunka iyo Haydaha kale ka codsaday in wax lagala qabto arrimaha Tamrta , kuwaaso Nasiib ay u yeeltay inay kaalinta kowaad gasho Hayda USAID Oo Ay iskashanayaan Wasaaradda Tamrta Iyo Macdanta  Mashruucan oo Noqday kii  kowaad ee tamarta cusboonta kaas laga  hargilyey Madaarka hargeysa dab lagu qiyaaso 100kwt oo shan marwaxadood dabaysha ka dhalinaya  laydh .
 
 
Wasiirku waxaa uu fahansiyey Ganacsatada Somaliland in saliida fudud ee dabka laga dhiliyo aaney ku habooneyn in loo isticmaalo kortada taasan lagaga bixi karo Tamrta Cusboonata ee Dabaysha iyo Solarta cadceeda dabiiciga ah ee alle inagu Manaystay , Ganacsatada Somaliland waxay fuliyeen arinkaas iyago hadda dalka ay ka socdaan Sideed Mashruuc oo kuwa dabaysha kortada lagaga dhalinayo .
 
 
Waxaaney ka kala socdaan :
Boorama 450 kw                                                                 Burco : 450 Kw
Barbera 60 kw                                                                      Oog :  60 Kw
Ceerigaabo 450 Kw                                                             Baki :  450 Kw
Caynabo  60 Kw
Hargeysa 100kwt
 
 
Boorama oo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dhagaxdhigay waxaa ay korntada Dabaysha laga dhalinyaa oo la adeegsanyo Marwaxdo ay Dabkoodu gaadhi karaan Dhowr kun  oo guri ugu yaraan taaso wax badan ka taridoonta isbadalka taban ee laydhka Somaliland .
 
 
Wasaaradda macdantu waxay sidoo kale maalintii uu wasiirku xilka qabtay Hargaysa dabka siin jiray shirkado aad u fara badan kuwaaso daankasto magaalada ah ka shaqeyn jiray ,iyago magaalda bilicdeedana kuhayey dhib faro badan , oo gurikasta iyo wadooyinka aad ka dheehanaysay tiirarka biraha laydhka oo mid ba meel ka taagantahay balse wasaarada waxay kulun iskugu keentay shirkadiihii oo markii danbe iskugu soo ururay Labba shirkadood oo qudha .
 
 
Waxay Shirkadaha ku dhiirigalisay inay isu tagaan si ay cudud u yeeshaan taaso keenaysa laydh jaban oo hufan oo badbaado leh ,iyagoo adeeg  fiican macaamiishu helaya isla markaana Bilicda caasimaduna  hagaagayso .
 
 
Geesta kale Magaalda burco oo  waxaa iyana ka jiray shirkado Dhower ah  kuwaaso laydhaka siin jiray magaaladda waxaana wada tashi iyo shirar ay u qabtay wasaaradda Tamrtu ku guulaystay in Caasimadda Labaad ee Somaliland ay noqoto mid yeelta Hal shirkad laydh oo qudha waxaanay la baxeen Magaca HECO
 
 
Wasiirkan aya ah mid goorkasta ka fikira sidii dalkan loo horumarin lahaa taaso dad aad u fara badan kula coloobeen , maadamo aan horu loo baran shaqsi daacad ka ah shaqadiisa iyo hawulaha qaranka loo qabto .
 
 
Suaasha is waydiinta mudan ee mawduuceenan ,waxa weeye Maxay Somaliland Shidaalkii ay Bulshaddu u haqanal taagtay u soo saari wayd?
 
 
dalkeen Waxa lagu sheegay inu jooliji ahaan u dhowyahay dal shidaal leh islamarkaan ay isku saansaan yihiin dalka sudan iyo yeman oo saliid wanaagsan leh , shidaalki laynagu sheegay waxaa Somaliland sahano iney ka bilaabaan kula heshiyey wasaarada macdanta  Afar shirkadood oo ajaanib ah kuwaaso tii Kowaad markii-ba bilowday sahankii shiidalkaa waa Genel oo laga leeyahay labbada dale e England iyo Turkey .
 
 
 
Kolkii shirkadi Genel Bilowday Sahanka Saliida waxaa deeganaddi ay ka wadeen si badheedh ah loogu fidyey warar aan sal iyo raadtoona lahey Fariimaha lagu shubayey Reer Miyaga Deegankuna waxay ahayen :“Qalabkan , Cagcagafyadan , gawaadhida ay wataan oo dhan waxay leeyihiin Magnad ururusanaya Macdanta deegank oo dhan “ qodha iyo xeradda nin reer miyey ah oo intaa loo sheegay ficilkuu sameynayo akhristow adba Filo … sidoo kale waxay qolyaha khayraadka dalka la dagaalanta warxuma tashiilkoodi deegankii u sheegeen “waa Sun waxaas cad ee dhulka lagu daadiyey” ,  Hadda waa Nuuradii lagu calamadineyey dhulka.
 
 
Carqaladahaas is barkan ee kaga imanaya Somaliland Mucaarid iyo koofiyad bacal ka jecel khayraadka ceegaga dhulkeena in la soo saaro afar shilin oo isagu qaato , taasi waxay keentay in sharaa`iga dalka u soo jeeday ay mar qudha dalbadaan in loo sameeyo ilaalo dhulka shidaalka iyo khubarda sahanka sameyneysaba .
 
 
Wararka Duuldulka oo qolayaha neceb hurumarku sido kale ku fidanyaan Mareegaha waxaa ka mid ah in dalkeenu aanu taagneyen waqti shidaal laga qodo , bilaahi caleykum maanta yaa inooga baahi badan in la helo khayraadka dhulkeena hoos ceegaga , yaa inooga baahi badan shaqooyin iyo fursada ay helaan dhalinyarta Somaliland ee maalinba maalinta ka danbeysa ka soo qalinjabinaya jaamacadaha . ma is waydiiseen hal mar Maxaynu Dalkeen u hurnaa ? waa maya …. Walee reerkan ogahey ma guuro!
 
 
Waxaynu u baahaneyhey miyo iyo magaalo caruur iyo ciroole hooyo iyo aabo inta ay ka koobanyihiin qoyes waliba ineyn wacyigalino dhigeen u sheegno waxaynu ku dhaano ee aynu ka ognahay Khayraadkeena soo dhaweyno cid walo jecel wanaaga taakuleyno keena raba inuu hurmar inagu soo kordhiyo .intaa hadii laynaga helo mudo kooban waxynu ku arki doona isbadel weyn oo hilaac iyo cadeed u noqda himaladeena .
 
 
 
waxaa jira oo Laga warqaba in Somaliland loo sameynayo  ciidanka ilaalada khayraadka shidaalka (OPU) Kuwaaso ilaalinaya shirkaddaha sahanka ka wada dalkeena iyo shaqalahooda , waa ciidan sida uu sheegay wasiirka Arrimaha Guduhu loo tobabarayo masuuliyadda badka dhuleeed ee laga badhaayo khayraadka waa ciidan isku xidhaya fahanka shirkaddaha iyo dadka deeganka sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen . waa walaalka  waa abtiga waa adeerka waa somalilander meel kale laga keeni maayo .
 
 
ogsoonow  hadii aad waliga jecelayd in Somaliland dowladah jaarkeeda ah la jaanqaado barana dhaafiso  waa inaad hesha khayraadkaaga soo dhaweysa wanaag falaha . ku dheeran maaye maanta waxaynu taaganahey meel fiican hadii isku xidhanaan iyo kala danbeyn isku tanaasul noqonto argtiideenu .
 
 
waxaan ku raja weyn aheyn ineyn gaadhi karano , maadamo oo aynu horuba qacmaheena ku dhoob-dhoobanay Dowlad aan Haysan waxa Taakula ah , ku talaabsaneyn Dimqraadiyaad iyo nabad wadama badan oo aduunka ah ay sirteeda ila waqtigan aad akhriyeyso maqaalkan .
 
Saliida Iyo Ictiraafka?
 
 
Waxaa hubaal ah saliida dhulkeena ku jirta hadii ay ifka u soo baxdo oo la soo saaro , waxay noqon doonta  maalinta ay Somaliland aduun weynaha ka heleyso qiraalkoda ictiraaf ,waan wadada hadeer aan filayno in ay mustaqbal wacan ka heli karto Somaliland .
 
 
Dadka ku xeeldheer siyaasadda dhaqaale ee aduunka ayaa tibaaxa dalka laga helo kheyraadka dabiicaga ah in loo bartamo ,loona kala dheereyo , saaxib dhowna laga dhigto , maxaa yeeley caalmku maanta waxaa uu maraya heer la yidha kala danaysi (Interest) taaso kaa dhigaysa dowlad miisankeeda dhaqaale iyo dadka ku nool isku dheeli tirmaan .
 
 
 
Berbera news/Hargeysa