Xildhibaanb Buuba Oo Madaxweynaha U Soo Jeediyay Inuu Talaabo Ka Qaado Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta

Hargeysa (Berbera news) Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buuhaa oo ka mid ah mudanayaasha xisbiga WADDANI ugu jira Golaha Wakiillada, ayaa cambaareeyey hadal ka soo yeedhay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Md. Xuseen Cabdi Ducaale oo sheegay in aannu Dastuurka Somaliland dhigayn in heshiis kasta la-horgeeyo Golaha Wakiillada.
 
 
 
Xildhibaan Buubaa oo sidoo kale ah Afhayeenka xisbiga mucaaridka ee WADDANI oo saxaafadda la hadlay maanta, waxa kaloo uu meel-ka-dhac iyo khiyaamo qaran ku tilmaamay in wasiir xukuumadda ka tirsan dafiro qoddobo dastuuri ah oo waajibinaya in heshiisyada dawladdu gasho laga ansixiyo Golaha Wakiillada, isagoo Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inuu tallaabo ka qaado Wasiirkiisa Macdanta iyo Tamarka, haddii kale fadeexaddaaasi saamayn ku yeelan doonto.
 
 
 
“Horta waa ayaan-darro arrintaasi. Berigii hore waxa Wasiirka Macdantu odhan jiray aqoon uma lihi sharciga dalka iyo waxa uu ka dhigayo arrintaas (heshiisyada Golaha Wakiillada loo gudbiyo), maanta se waa uu u badheedhay markuu ku celiyey inuu yidhaa heshiisyada aan gelayo sharcigu ma dhigayo in aan golaha horgeeyo.
 
 
Waxaannu leenahay waa ayaan-darro in wasiirku dafiro dastuurka dalka, arrintaasina waa ku nusqaan wasiirka iyo xukuumaddaba, qarankana ceeb iyo aflagaado ayey ku tahay.
 
 
Shalay (markii Siilaanyo oo mucaarid ah uu xukuumaddii Rayaale ku cambaarayn jiray in aannu Golaha Wakiillada u gudbin heshiisyada ay la galaan shirkadaha ajnabiga ah,” ayuu yidhi Md. Buubaa.
 
 
Waxa kaloo uu Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ugu baaqay inuu si degdeg ah uga noqdo hadalka uu ku sheegay in aannu sharcigu dhigayn in heshiisyada uu galo loo gudbiyo Golaha Wakiillada, “Madaxweyne Siilaanyo waxaannu leenahay madaxweyne, Golaha Wakiilladu waa kuwii aad xilligii mucaaridka odhan jirtay hala horgeeyo heshiisyada, haddaba wasiirka xukuumadda ka tirsan ee hadaladaas ku hadlayaa miyaanu burinayn hadalkii aad odhan jirtay xilligii mucaaridka? Sharciga Somaliland miyaannu meel-ka-dhac ku ahayn? Waxaannu leenahay wasiirku waa inuu degdeg hawshaas uga noqdo, haddii kale waa in madaxweynuhu tallaabo sharci ah ka qaado, laakiin haddii Wasiirka Macdanta wax tallaabo ah laga qaadi waayo waxay tegi doontaa in aannu tallaabo ka qaadno madaxweynaha laftiisa, soona horjoojinno Golaha Wakiillada oo maamuus-ka-xayuubin lagu sameeyo, waana laga jawaabi doonaa khalad kastoo wasiirradiisu ka galaan qarankan, kuwaasoo aan tiro lahayn, habeen iyo maalinba waxay la soo taagan yihiin waxyaabo qarankan fadeexad ku ah. Markaa waxaannu leenahay madaxweynaha iyo xukuumaddiisa isasa saxa haddii kale sharciga ayaa idin sixi doona.”
 
 
Dhinaca kale, Afhayeenka WADDANI waxa ka hadlay xaaladda shidaal-yaraanta ee xilligan dalka ka taagan, isagoo masuuliyadda arrintaasna u xambaariyey xukuumadda Somaliland, “Madaxweynahu markii uu booqaday Haamaha Shidaalka wuxuu ka sheekaynayey ammaan. Annagu ma aragno horumar la tilmaami karo oo meeshaas ka jira haadii aannu madaxweynuhu horumar u arkayn lacagtii haamaha ee uu odhan jiray madaxtooyada lagu soo xarayn maayo ee uu hadda hoos geeyey Wasaaraddiisa Madaxtooyada. Waxay ahayd in loo tartamo maamulka haamaha si loo helo cid si xil-kas ah u maamuli karta, imminkana bulshadu way aragtay ceebta meesha taal,” ayuu yidhi xildhibaanku.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa