Wasiir Anixisntiisu Muran Ka Dhex-abuurtay Golaha Wakiiladda

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi baadhista iyo Teknoolajiyada Somaliland Cali Xaamud Jibriil,ayaa maanta hor tagay Golaha wakiilada si loogu ansixiyo Xilka wasiirnimo ee dhawaan Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay.
 
 
 
Mudaneyaasha Wakiilada ayaa si aan hore uga dhicin Golaha ula dhaqmay Wasiir Cali Xaamud, taasi oo ah in Muran hadheeyo Ansixintiisa.
 
 
 
Fadhiga Maanta ee Golaha wakiilada waxaa shir gudoominayay Gudoomiye xigeenka 1-aad ee wakiilada Baashe Maxamed Faarax, waxaana ka soo xaadiray 45 Mudane.Xoghayaha wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa Markii Fadhigu furmay Mudanayaasha u akhriyay warqada lagu Magacaabay wasiirka iyo CV-giisa.
 
 
Intaasi ka dib ayaa Gudoomiye xigeenka Wakiilada Baashe Maxamed Faarax u soo jeediyay Mudaneyaasha Wakiilada inay Cod gacan taag ah u qaadaan Ansixinta Wasiirka, waxaana Ogolaaday in la Ansixiyo 19 Mudane, 5 Mudane ayaa diiday, waxaa ka aamusay 2 Mudane Gudoomiyuhuna Ma codayn, waxaanu Gudoomiye xigeenku sheegay inuu sidaasi ku ansaxay.
 
 
Hase ahaatee 20 Xildhibaan oo goobta fadhiyay ayaan Gacanta u taagin islamarkaana aan Codayn kuwaasi oo aan diidin, ka aamusin, Ogolaanina. Arintaasi ayaa keentay in muran galo in wasiirku ansax yahay iyo in kale.
 
 
Arintan oo aanay la kulmin Masuuliyiinta Xukumadda ee hore loo ansixin jiray Mudaneyaasha ayaa Shir gudoonku ku dooday in Xildhibaanada aan iyagu codayn lagu tirinayo kuwo maqan oo kale hase ahaatee kuwa ku doodaya inaanu Ansixin wasiirka ayaa sheegaya inaan Kooramka Goluhu Buuxsamayn haddii sidaasi loo xisaabiyo.
 
 
Golaha ayaa la sheegay inay wasiirkan ka daba socdeen hadal uu ka sheegay Golaha wasiirada, kaasi oo uu sheegay wakhti laga doodayay sidii laba doorasho mar loo wada qaban lahaa islamarkaana uu soo jeediyay in haddii aan la wada qaban karayn doorashada wakiilada iyo Madaxtooyada golaha wakiilada la kala diro. Golaha ayaa arintaasi kaga jawaabay farriinta uu kala kulmay golaha.
 
 
Berbera news/Hargeysa