“Xuduuddayada Taako Ka Mid Ah Oo , Aanu Dib Uga Soo Noqonaynaa Ma Jirto” Wasiirka Warfaafinta

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay in deegaanka Saax-dheer oo Todobaadkii hore ay la wareegeen Ciidamadda qaranka Somaliland ay ka tirsan tahay deegaanadda Somaliland.
 
 
 
Wasiirka oo maanta Shir Jaraa’id u qabtay Magaaladda Hargeysa ayaa waxa kale oo uu jawaab ka bixiyay baaqii ay Beesha Caalamku ay Somaliland kaga dalbadeen in Ciidamadda qaranka laga saaro deegaanka Saax-dheer.
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Anagu maanta waxaanu Iclaaminaynaa oo qof kasta oo ay ka Daahan tahay u sheegaynaa oo qof kasta oo madmadaw kaga jiro ama ka daahan tahay ama riyoonaya  u sheegaynaa, Somaliland waa Somaliland. Dalkayaga meel ka mid ah oo Cidi nagala talin kartaa ma jirto.Dalkayaga gudihiisa waxaanu ka yeelayno iyo nabaddiisu siday ku sugmayso iyo qaranimada Somaliland sida loo adkaynayo kala tashan mayno qof aan dalkayaga iyo dadkayaga midna ahayn oo dibadda ka jooga” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.
 
 
 
Wasiirku waxa uu Masuuliyiinta Somalia ku eedeeyay inay dabada ka riixayaan Cali Khaliif oo dhawaan loo doortay Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo “Kuwa  (Dawladda Somaliya)  Cali Khaliif dabada ka riixaya ee Odaygaa wayn Khal-khalinaya inaad idinka tihiina waa wax  caddaan ah oo muuqata” ayaa ka mid ahaa hadalka wasiir Cukuse
 
 
 
Wasiirku waxa uu jawaab ka bixiyay hadal Wakiilada Qaramada midoobay,Maraykanka iyo Midawga Yurub Somalia u joogaa ku dalbadeen in Somaliland ciidankeeda dib uga soo saarto Saax-dheer “ Waxaanu leenahay Xuduuddayada Baac ka mid ah oo aanu dib uga soo noqonaynaa ma jirto inaanu hore ugu sii socono halkaanu joogno mooyee, Somaliland na jiritaankeedu wuu sugan yahay, dalkayaga iyo dadkayaguna wuu isku kalsoon yahay. Waxaanu ku kalsoonahay Cududda Militarigayaga iyo dalkayaga” ayuu yidhi Wasiir Cukuse
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa