Xukuumadda Oo Jawaab Ka Bixisay Baaqii Beesha Caalamku Ku Dalbatay In Ciidamdd Qaranka Laga Saaro Saax-dheer

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse)  ayaa sheegay in deegaanka sax-dheer oo Khamiistii Todobadkii hore ay la wareegeen Ciidamdda Jamhuuryadda Somaliland ay ka mid tahay Dhulka Somaliland, iyadda oo Maraykanka iyo Qaramadda Midoobay oo ay weheliyaan Midowga Yurub ay Somaliland u soo jeediyeen inay Ciidamadeeda kala baxdo deegaanadaasi.
 
 
 
Wasiirka oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargeysa ayaa waxa kale oo uu jawaab ka bixiyay hadal ay Dawladda Somalia ku sheegtay inay ka xun-yiin hawl-galkii ay ciidamdda Somaliland kula wareegeen saaxd-dheer, isaga oo Wasiirku sheegay inay arrintaasi ka hor-imanayso wadda-hadalada u socda Somaliland iyo Somalia.
 
 
 
Baaqan ay soo-saareen Beesha Caalamku ayaa ku soo beegamaya xilli ciidamada Somaliland ay weli gacanta ku hayaan deegaanka Saax-dheer, waxaanay noqonaysaa markii labaad oo ay beesha caalamku sidan oo kale uga hadasho xaaladaha deegaanadaasi.
 
 
 
 
Halkan ka daawo.

 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa