Fu’aad Aadan Cadde Oo Ka Hadlay Aragtidiisa Dagaalka Saax-dheer Hargaysa

Hargeysa (Berbera newstaliyaha Madaxwaynaha Somaliland ee gobollada bariga Fu’aad Aadan Cadde, ayaa ka hadlay dagaalka Ciidanka Qaranku kula wareegeen tuulada Saax-dheer oo kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo damacsa
 
 
La-taliyaha Madaxwaynaha Somaliland ee gobollada bariga Fu’aad Aadan Cadde, ayaa ka hadlay dagaalka Ciidanka Qaranku kula wareegeen tuulada Saax-dheer oo kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo damacsanayd inay ku caleemo-saarto Cali Khaliif Galaydh oo la sheegay in madaxweyne loogu doortay.
 
 
 
Siyaasiga Fu’aad Aadan Cadde oo dib ugu soo laabtay Hargeysa kadib markii dhawaan laga soo lad-qabeeyey cadho uu ku tagay degaanka uu ka soo jeedo ee Xudun oo la sheegay inuu uga sii gudbayey dhinaca Puntland, ayaa sheegay inuu ka xunyahay in dhiig ku dadaato gudaha Somaliland, isla markaana aannu jeclayn cidda wada khal-khalgelinta nabadgalyada dalka.
 
 
 
“Inta warbaahinta ku qoran uunbaa Saax-dheer ka war-hayaa, dadka dhintayna aad iyo aad ayaan uga xumay, in Somaliland dhexdeeda dhiig ku daatana ma jecli, cidda khal-khal ka wadda dhexdeedana ma jeceli, Wallaahi anigu ciidanka Qaranka si gaar ah waxaan u arkaa ciidan fiican oo wanaagsan, Saax-dheer weligay maan arag, laakiin waxaan u malaynayaa inay xuduudda ku taalo. Caalamka sidaas darteed inoo leeyahay kasoo baxa,” ayuu yidhi Fu’aad Aadan Cadde oo waraysi siiyey telefishanka Bulsho Tv
 
 
 
Dhinaca kale, waxa uu mar kale ku celiyey in aannu marnaba ka tagayn Somaliland, balse si cad ugamuu hadal ujeeddada socdaalka uu ku tagay degmada Xudun, “Ilaa Shan casho meelahaas Burco ayaan joogay, maantana Hargeysa ayaan ku suganay, waana la nabad qabaa oo waa la fiican yahay, tasaana waa markhaati inaanan marna Putland tagin, niyadana ku hayn inaan tago.”
 
 
 
Berbera news/Hargeysa