Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Oo Ka Hadlay Hawl-galkii  Ay Ciidamdda Qaranku Kula Wareegeen Saax-dheer

 Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani iyo Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay inay wali ku taagan yihiin in Guddida Doorashooyinka laga dhigo 9 Xubnood. Waxa uu sidoo kale sheegay in Xukumaddu ka baxday talo hore axsaabta iyo goleyaasha ay ula gashay oo ahayd in beesha Caalamka wada jir looga dhaadhiciyo Arimaha bariga Somaliland.
 
 
 
 
Guddoomiyaha oo Warysi siiyay Telefishanka ROYAL  Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Kamaanan Laaban laakiin, Sharcigu ilaa hadda wuxuu dhigayaa 7 Xubnood. Axmed Maxamed Maxamuud, Madaxweynaha Somaliland markuu ahaa gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Wuxuu ku doodayay in Komishanka laga dhigo 9 Xubnood, anaguna tii uun baanu taagay oo waxaanu leenahay si sinaan loo helo oo Caddaalad u helaan Axsaabtu 9-kay ku wanaagsan tahay laakiin, haddii Madaxweynuhu ku adkaysto 7 ha noqdaana intii aanu ku leenahay ayuun baanu gudbin doonaa haddii Alle ka dhigo”
 
 
 
 
Guddoomiyaha Waddani iyo Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro waxa uu intaas ku daray   “Waxaan isleeyahay farriimihii Somaliland looga baahnaa ee arintaaasi ku saabsanaa saani inoogamay wada bixin, waa laga yaabaa qolyaha Mucaaradka ku ah Somaliland farriimahoodu inay ka bateen kuwa Somaliland gudbinayso, markaa wakhtigii beesha caalamku tidhi Taleex ka baxa Madaxweynuhu wuu noo yeedhay si looga wada tashado Arintaasi, waxayna ahayd in Xukumadda, Axsaabta iyo goleyaasha oo wada socdaa Beesha caalamka u tagaan, taana xukumaddaa ka baxday. Xukumadduna haddii ay hawshaa ku filan tahay oo kaligeed qabanayso waanu ku hambalyeynaynaa, maalintaasna waxaanu ku nidhi haddaydaan ku filayn diyaar baanu u nahay inaanu garab idin siino” Ayuu yidhi Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa