“Kala Dirista Komiishanka Doorashooyinku, Waxa Uu Ku Soo Hagaagay Xili Ay Socoto Hawl Culus” Geelle

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Guddida  Doorashooyinka Qaranka Somaliland Maxamed Axmed Xirsi (Geelle)  ayaa ka hadlay Digreeto la sheegay innuu Madaxwayne Siilaanyo u soo gudbiyay xubnaha guddida Guddida doorashoyinka Somaliland oo uu ku kala dirayay Wakhtigoodu Dhamaaday.
 
 
Guddoomiyaha oo ku cel-celiyay in ay haboon tahay in ay xukuumada ay daysato xubnaha Komiishanka Doorashooyinka madaama oo ay food ku soo hayaan doorashooyinkii baarlamaanka iyo tii madaxwaynahaba, isla markaasna ay Ku gudo jiraan diwaangelintii Cod-bixiyayaasha.
 
 
 
Dhinaca kale waxa uu sheegay in ay sii shaqayn doonaan ilaa inta komiishan cusub lasoo magacaabayo, oo iyagu badala. Guddoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Axmed Xirsi Geelle waxa uu sida ku sheegay qoraal uu soo saaray  ayaa u dhignaa sidan:
 
 
 
“Xilkasta oo qaran waxa uu leeyahay mudo,taas oo uu ka mid yahay kumiishanka doorashooyinkuna, waxaana la doortay shan sano inaynu hayno xilka, waxaana wakhtigaasi uu ku eegyahay Mudadii Xilkayagu bisha Oktoobar soo socota 29-keda, sidaad la socotaan Kala dirista komiishanka doorashooyinku waxa uu kusoo hagaagay xil ay socoto hawl culus oo adagi taas oo uu komiishanka doorashooyinku gacanta ku hayo hataan, oo ah hawsha diwaan galintii cod bixiyayaasha iyo doorashooyinkii oo loo sii diyaar garoobayo ay ka mid yihiin.”
 
 
 
 
Guddoomiyaha komiishanka doorashooyinka Somaliland oo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu intaasi ku daray. “Marka la arkay mudaadii ku dhow inaga dhamaneysay, talada guud ee asxaabta mucaaradka iyo xukuumaduba iyo qadhaan bixiyayaashuba is waydiiyeen waxa ay ahayd, in komiishan cusub la magacaabo ama iyagaba la iska daayo, taas oo markii danbe go’aan madaxwaynaha Somaliland ka gaadhay, markaas warqada uu madaxwaynaha Somaliland soo saaray ee uu uqoray dadkii soo magacaabayay xubnahoda Komiishanka uu meetel laha, Komiishankana waad ogtihiin oo, meelo kala duwan ayaa laga soo magacaabaa.”
 
 
 
Sidoo kale waxa uu sheegay in komiishanka doorashooyinku ay soo magacaabaan xukuumadda, Labada xisbi mucaarad iyo Golaha Guurtida Somaliland waxaana uu yidhi “Madaxwaynaha Somaliland waxa uu magacaabaa saddex xubnood, Guurtidu waxa ay magacodaa Laba xubnood, Labada xisbi mucaarad iyaguna midba xubin ayuu soo magacaabaa, sida uu xeerkeenu hada uu yahay, markaas warqada uu madaxwaynahu uu qoray sidaas ayay tahay, waana ay banaan tahay inuu komiishanki hore lasoo celiyo iyo in mid cusub hada la keensado, Lakiin anaga warqada nalagu kala diray Haba yaratee ma jirto.”
 
 
 
 
Si kastaba ha ahaatee,komiishanka doorashooyinka qaranka ayaa uu dhawaan kala diray, Madaxwaynaha Somaliland kaas oo qoraal koobna u gudbiyay asxaabta mucaaradka oo uu kaga dalbanayo in ay soo buuxiyaan shuruudaha komiishanka doorashooyinka Somaliland.
 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa