Muqdisho:  Khasaare Ka Dhashay Weerar Lagu Qaaday Xabsiga God Jilicow  Iyo Al-Shabaab Oo Sheegatay

Hargeysa (Berbera news) Weerar xooggan ayaa kooxo ka tirsan Al-shabaab waxay ku qaadeen xarunta nabadsugidda gobolka Banaadir oo ku taalla xabsigii godka jilacoow oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya.
 
 
Wararka ayaa sheegaya in qarax xoogan uu weerarku ku billowday, kaasoo ka dhacay bar-koontarool oo laga ilaaliyo xarunta, iyadoo qaraxa kaddib ay billaabatay rasaas xooggan oo u dhexeysay ciidamadii halkaas ku sugnaa iyo xoogggii weerarka qaaday.
 
 
 
Saldhiggan ayaa ka mid ah kuwa muhiimka ah ee ay nabadsugidda Somalia ku leeyihiin Muqdisho, halkaasoo ay ku xidhan yihiin boqolaal ruux oo loo hasto dambiyo kala duwan.
 
 
 
Wararka qaarood ayaa sheegaya in kooxahan hubayan ay gudaha u galeen xarunta, halkaasoo uu is-rasaaseyn ku dhex-marayso ciidanka nabadsugidda iyo xoogagga hubeysan.
 
 
 
Dhawr qarax ayaa laga maqlay gudaha xaruntaas oo aan ka fogeyn xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo uu kusoo beegmay weerarkan xilli Al-shabaab laga qabsaday deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose oo ay ku jirto Buulo-mareer oo ka mid ahayd xarumahooda waweyn.
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa