“Al-Shabaab Weeraradda Ma Joojinayaan, Anagu-na Dagaalka Ma Joojinayno” Madaxweynaha Somalia

Hargeysa (Berbera news) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Turkiga ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii ay Al-shabaab shalay ku qaadday xabsiga nabadsugidda gobolka Banaadir ee Muqdisho.
 
 
 
Xasan Sheekh ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid fulaynimo ah, isagoo u tacsiyeeyay ciidamadii dowladda ee weerarkaas ku dhintay, isgaoo qoraal uu soo saaray ku sheegay in weerarkaas uusan hor-istaagi doono horumarrada ay dowladda iyo AMISOM ka sameeyeen dagaallada ay kula jiraan kooxdan.
 
 
 
 
“Waxaan maqlay in shalay ay weerareen xarunta nabadsugidda gobolka ee Godka Jilicoow kooxo hubeysan oo weerarkooda u adeegsaday bambooyin iyo qoryo fudud, iyagoo doonayay inay xabsiga kala baxaan maxaabiis, balse laga horjoogsaday,” ayuu yidhi Xasan Sheekh.
 
 
 
 
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa weerarkan ku tilmaamay mid ka dhashay howlgallad ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kaga horjeedaan Al-shabaab, isagoo ciidamada ku boorriyay inay howlgalladooda xoojiyaan.
 
 
 
“Weerarrada noocan oo kale ah waa kuwo aan horay u soo arki jirnay, wayna sii soconayaan guulaha ay ciidamadu ka gaareen howlgalka Badweynta Hindiya, mana joogsan doonaan inta aan argagaxisada cagta ka marinayno. Sidoo kalena waxaa la wadi doonnaa howlgallada looga horjeedo Al-shabaab ee Muqdisho ka socda,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.
 
 
 
Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiri. “Al-shabaab way isku dayi doonaan inay fuliyaan weerarro noocan oo kale ah, waayo ma haystaan fusad kale. Laakiin ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika waxay xoojin doonaan dagaalka ay kula jiraan kooxdan.”
 
 
 
Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay inay ka qaybgalaan howlgallada socda, ayna ciidamada amniga Qaranka u soosheegaan cid walba oo kooxdan ka tirsan, xitaa haddii uu yahay wiil ay dhaleen iyo walaalkood.
 
 
 
“Qof walba oo Soomaali ah waa waajib saaran inuu soo sheego xubnaha Al-shabaab ka tirsan waayo waxay khatar ku yihiin naftooda iyo nafteenna,” ayuu kusoo gaba-gabeeyay madaxweynuhu hadalkiisa.
 
 
 
Weerarkan ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab, waxaana ku dhintay 11-qof oo u badan xoogaggii xabsiga weeraray, iyadoo afhayeen u hadlay Al-shabaab uu sheegay inay kaga hortagayeen jir-dillo iyo ciqaabo kale oo ay ciidamada dowladdu ugu geystaan xabsigaas dad badan oo muslimiin ah.
 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa