Daawo: Xisbiyadda Mucaaridka Oo Ka Hadlay Aragtidda Ay Ka Qabaan Doorashooyinka Isa-saaran Ee Lagu Waddo Inay Qabsoomaan 2015-ka

Hargeysa (Berbera news) Iyadda oo lagu waddo In Sanadka soo-socda ay Somalilabd ka qabsoomaan Doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka ayaa waxa muddooyinkii u dambeeyay soo baxayay arrimo la xidhiidha qaabka loo qaban doono Doorashooyinkaasi.
Telefishanka KALSAN ayaa maanta arrintaasi wax ka weydiiyay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Axmed Muumin Seed, waxaanu sharaxaya aragtidda ay xisbi ahaan ka qabaan in la mar la wadda qabto Doorashooyinkaasi iyo in kala lala saaro.
 
 
 
Geesta kale Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa sheegay in wadda tashi laga yeesho Qaabkay ay u qabsoomayaan Doorashooyinkani.
Doorashooyinka isku lamaan ayaa badhtamaha sanadka soo socda la filayaa inay qabsoomaan, balse waxa jira Duruufo ku gadaaman oo ay ka mid yihiin Xeerkii Diwaan-gelinta Codbixiyayaasha oo aanay weli Baarlamaanku ansixin iyo Go’aan ay isla qaataan Daneeyayaasha Arrimaha Doorashooyinka .
 
 
 
 
Halkan ka daawo.

Berbera news/Hargeysa