Madaxweyne Siilaanyo Iyo Ku Xigeeniisa Oo Ka Wada-hadlay Dooda Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal

Hargeysa (Berbera news)  Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo ku-xigeenkiisa C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici ayaa doraad kulan ay albaabadu u xidhnaayeen kaga arrinsaday jawaabta ay ka bixinayaan cabashada ay Madax dhaqameedka Gobolka Awdal ee Hargeysa ku sugani u gudbiyeen Madaxweynaha.
 
 
 
 
Kulankan oo ahaa mid aan waraahinta loo ogolayn isla markaana uu goob joog ka ahaa Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland iyo Siyaasiyiinta Beesha Samaroon kaga jirta Golayaasha qaranka ayaa lagu faaqiday qaabkii loo qancin lahaa Odayaasha, waxaana la isla qaatay in inta tabashadooda xal laga gaadhayo ay ku noqdaan Gobolkii.
 
 
 
 
Ma jiro war rasmi ah oo sheegaya in xukuumaddu wax ka fulisay qoddobadii ay soo bandhigeen Odayaashu, hase yeeshee waxay u muuqataa sida waraku sheegayaan in ay Siyaasiyiinta Golayaasha kaga jira Beesha Samaroon Odayaasha ku qanciyeen in ay ka war sugaan illaa wakhti danbe.
 
 
 
 
Ma cada in ay Odayaashu ku qanceen Farriinta loo keenay iyo inkale, balse wararka qaarkood waxay sheegayaan in ay ambabax go’aansadeen isla markaana ay ka war sugi doonaan Xukuumadda maadaama oo ay cabashadoodii u gudbiyeen isla markaana xujadu saaran tahay madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa.
 
 
 
 
Dhinaca kale, Odayaal kale oo beesha Ciise ah oo Hargeysa ku sugan ayaa iyana rajaynaya jawaab ay xukuumadda ka sugayeen, taasoo ka horaysay ta beesha Awdal balse nuxur ahaan ay isku mid yihiin.
 
 
 
 
Berbera nws/Hargeysa