Xukuumadda Oo Sheegtay In Sanadka Soo-socda Ay Biyo Laga Wadda Helayo Hargeysa

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Cukuse ayaa sheegay in Mashruucyo Biyaha Hargeysa lagu balaadhinayo marayaan gabogabo islamarkaana sanadka 2015-ka Hargeysa helayso Biyo ku filan.
 
 
Wasiirka oo faahfaahin ka bixinayay kulan ay yeesheen Guddida horumarinta Biyaha Hargeysa, wasaaradda Biyaha iyo Shirkadda Imaaraadka ee Wadda Mashruuc biyaha lagu balaadhinayo oo Imaaraadku ku deeqay ayaa sheegay in Xukumaddani wax weyn ka qabtay Biyaha.
 
 
“Sidaad ogtihiin waxay Xukumaddu ku dadaalaysaa sidii Caasimadu u heli lahayd Biyo, marbana siday suurto gal ka u tahay ayaa loo wadayaa, Caasimaduna biyihii way helaysaa, sidii balan qaadku ahaana sanadka 2015-ka oo wax yari inaga xigaan Biyahaasi waa la wada cabbayaa”
 
 
Wasiir Cukuse waxa uu sheegay in Farsama-yaqaanada Wasaaradda biyaha iyo Injineero Shirkadda Imaaraadka ee hawshan wadaa todobaadkan dhamaynayaan hawshooda“Waxaanu dhagaysanaynay Warbixintii Farsamo yaqaanadii hawsha gacanta ku hayay, hawshiina way socotaa, wax ka xannibana ma jiraan hawshuna way fulaysaa. Waxaanan maanta ku faraxsanahay in Injineeradii Wasaaradda Biyaha iyo Injineeradii Shirkadda Imaaraadka ee Wadday si fiican hawsha u wada wadaan waanay soo gabagabaynayaan Todobaadkan”ayuu yidhi Wasiir Cukuse
 
 
 
Berbera news/Hargeysa