Mudaharaad Dhiig mac mal ah oo lagaga soo horjeedo hub loo gudbinayay Israel

Haween u dhashay dalka Belgiam, ayaa 25 caagadood oo dhiig mala-awaal ah ku daadiyey sibidhka madaar ku yaal magaalada Liege ee dalkaas, iyadoo muujinaayey mudaharaad ay kaga soo horjeedeen hub ay aaminsanaayeen in madaarka looga dhoofinaayo Israiil.

000_Par7958069-e1409528659226-635x357

Dumarkan oo tiradoodu ahayd 6 haween ah, kana socday ururka Liliths la yidhaa, ayaa caagadahan ku dhammeeyey sibidhka, gaar ahaan halka la dhigo kaartooga sida lagu daabacay mareetga RT new sabtidii toddobaadkan.

Haweenkan oo xidhan garamaan uu ku sawiran yahay calanka Falastiin, kuna qoran yihiin hal-ku-dhig ahaa; “Imia tan oo hub ah ayaa dhiig daadin kara.”

Mudaharaadkan waxa uu ku beegmay maalintii Falastiin iyo Israel wada gadheen heshiiska xabad-joojinta ah, markii 7 toddobaad Isra’iil hawlgalo duqayn ah ka fulinaysay Gaza.

 

Haweenkan mudaharaadka dhigay ayaa ciidammadu xabsiga dhigeen, iyagoo madaxda madaarka Liege Airportsheegay in ay cabasho ka gudbin doonaan dumarka sida lagu daabacay mareegta luuqada Faransiiska lagu qoro ee Dhnet news.

Afhayeen u hadlay madaarka oo warraysi siiyey mareegta Dhnet waxa uu sheegay in aan wax hub ah loo gudbinayn Israiil, waxaannu yidhi; “Waa been abuur, mar kastana waxaad maqashaan hadalo buun buunin ah oo khilaafka Falastiin iyo Israiil ku saabsan.