Siilaanyo wasiirro u saaray oo tabashooyin fara badan oo madax-dhaqameedka beesha gobolka Awdal.

Hargeysa (Berberabews)– Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa guddi wasiirro xukuumaddiisa ah u saaray tabashooyin fara badan oo madax-dhaqameedka beesha gobolka Awdal.

Madaxweyne Siilaanyo1

War-saxaafadeed lagu faahfaahiyey magacaabista guddigan iyo sababta keentay oo uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada maanta, ayaa isagoo dhammaystiran waxa uu u qornaa sidan;

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/MG/241-2682/092014 ku magacaabay Guddida Daraasadda iyo U-kuurgalka cabashada Degaanka reer Awdal.

Ujeedo:  Magacaabid Guddida Daraasadda iyo U-kuurgalka Cabashada Deegaanka Reer Awdal

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga

 

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Beeraha

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

Mudanayaal;

Waxa jira cabashooyin iyo tabashooyin xooggan ay ii soo gudbiyeen salaadiinta iyo madaxdhaqmeedka Gobolka Awdal oo ay kaga cabanayaan saami-qaybsiga iyo jagooyinka shaqo ee degaanka Awdal. Sidaa darteed, waxa lagama maarmaan noqotay in guddi heer wasiirro ah loo magacaabo hawshan si ay daraasad iyo xaqiiqo raadin uga sameeyaan arrintan.

Haddaba Mudanayaal, si xog iyo macluumaad dhab ah looga soo uruuriyo cabashadan; waxa aan mas’uuliyiinta warqadani sida tooska ah ugu socoto u magacaabay Guddida Daraasadda iyo U-kuurgalka arrimaha laga cabanayo ee qoraalka ku xusan, waxaana Guddoomiye u noqon doona Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Sidaa darteed Mudanayaal, waxa aan idinka rajaynayaa in aad hawshan xil mug iyo miisaan leh iska saari doontaan,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi.