Warar ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerarkii Maraykanku le beegsaday Hoggaamiyaha Al-qaacida

Baraawe-(Berberanews)-Warar kala duwan, ayaa ka soo baxay khasaaraha duqayn dhinaca cirka ah oo dawladda Maraykanku ka fuliyeen degaanka Sablaale oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoos ee Soomaaliya xalay, kaasoo lala bartilmaameedsaday hogagamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane, loona yaqaan Sheekh Abu Subeer.

17

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Difaaca Maraykanka iyo xubno Al-shabaab ah, ayaa siyaabo kala duwan u xaqiijiyey in ujeedada weerarka dhinaca cirka ee la qaaday ku salaysnayd sidii loogu khaarajin lahaa Sheekh Abu Subeer (Axmed Cabdi Godane), balse aan si rami ah loo xaqiijin in hoggaamiyaha Al-shabaab wax dhib ah kala kulmay weerarka lala eegtay.

“Duqayntii Mareykanka uu ka geystay meel ku dhow Sablaale waxa lagu dilay lix saraakiisha sare ee Al-shabaab ka tirsan.” Sidaa waxa wakaallada wararka caalamiga ah ee AP u xaqiijiyey sarkaal Al-shabaab ka tirsan oo magaciisa ku sheegay Abu Muxamed, kaasoo intaas ku daray; “Sheekh Abuu Zubeyr (Axmed Godane) baabuurta la duqeeyay mid ka mid ah ayuu saarnaa.”

 

Saraakiil dawladda Maraykanka u hadlay, ayaa tilmaamay inay 80% suurtogal tahay in duqaynta ay fuliyeen lagu dilay  hoggaamiyaha Al-shabaab Sheekh Abu Subeer iyo saraakiil sare oo ururkaas ka tirsan, balse ma jirto cid ilaa saacadihii dambe ee xalay si cad u xaqiijisa dooda Maraykanka ee la xidhiidha inay khaarajiyeen sarkaalka ugu sarreeya Al-shabaab.

Ma jiro war rasmi ah oo masuuliyiinta Al-shabaab ka soo saareen khasaaraha ka dhashay weerarka lagu qaaday iyo in khasaare gaadhay hoggaamiyahooda guud oo ka mid ah xubnaha shabakada Al-qaaciida ee loogu raadinta badan yahay, iyadoo Maraykanku ballanqaaday sannadkii 2012 in cida bixisa macluumaad sababa in la xidho ama la dilo hoggaamiyaha Al-shabaab la siin doono abaalmarin dhan $7 milyan oo doollar.

Dhinaca kale, warbaahinta Maraykanka ayaa siyaabo kala duwan u faafiyey khasaaraha ka dhashay weerarka lala eegtay hoggaamiyaha Al-shabaab, iyadoo qaar ka mid ah saxaafaddu faafisay in la dilay, halka kuwo kalena qoreen in aanay wax dhib ah Sheekh Abu Subeer ka gaadhin duqaynta lala bartilmaameedsaday oo ay fuliyeen diyaaraha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka.

Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, ayaa isna dhinaciisa faafiyey in hoggaamiyaha Al-shabaab ka badbaaday weerarka lagu qaaday, wax khasaare ahna aannu gaadhin, kaasoo la sheegay inuu ka tagay goobta weerarku ka dhacay oo madaxda Al-shabaab shir ku lahaayeen waxyar ka hor duqaynta dhacday.

Wargeyska oo xignaya saraakiil ka tirsan Nabad-sugida Soomaaliya, ayaa tilmaamay in duqaynta dhinaca cirka ee Maraykanku fuliyey lagu dilay saraakiil sare oo Al-shabaab ka tirsan oo isugu jira Soomaali iyo ajnabi, kuwaasoo la tuhunsan yahay inay ku sugnaayeen goobta weerarku ka dhacay.

Warar kala duwan oo saxaafadda Soomaalida iyo kuwa caalamkaba lagu faafiyey, ayaa lagu sheegay magacyada lix ka mid ah saraakiisha Al-shabaab ee la tuhunsan yahay in weerarkaas lagu dilay, kuwaasoo aan si cad loo xaqiijin karin inay run yihiin, waxaanna saraakiishaas ka mid ah;

1 Maxamed Xuseen Nuur oo loo yaqaano Abuu Xamza Al-ayman

2 Guddoomiyaha Shabellaha Hoose ee Shabaab Sheekh Abuu Cabdalla

3- Iqri Cubeyd oo ah sarkaal u dhashay dalka Suudaan

4-Mubaarag Cabdalla oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Yeman

5-Cali Maxamed Guuleed oo Al-shabaab u qaabilasn saadka Gobolka Shabellaha Hoose

6-Maxamed Abuu Shaam oo ah gacanyarahii hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane, loona yaqaan Muqtaar Abuu Subeyr.

Masuuliyiin dawladda Maraykanka ka tirsan, ayaa sheegay inay wadaan baadhis laogu ogaanayo khasaaraha ka dhashay weerarka ay la eegteen hoggaamiyaha Al-shabaab, cida ku dhimatay iyo saamaynta uu ku yeesha hawlgalada Al-shabaab.

Maaha markii u horraysay ee weerar lala eegto hoggaamiyaha Al-shabaab, lana faafiyo in la khaarajiyey, balse dhawr jeer ooh ore ayaa sidan oo kale loo sheeegay in la dilay Sheekh Abu Subayr, balse, wararkaas ayaa noqday qaar aan sal iyo raad midna lahayn.