Hoggaamiyaha Ururka Al-Qaacidda Oo Sheegay Inay Saldhig Cusub Ka Furteen Dalka Hindiya

Hargeysa (Berbera news) Hoggaamiyaha Al-Qaacida Ayman Al-Zawaahiri ayaa ku dhawaaqay inay xafiis cusub ka furteen dalka Hindiya ayna ku baahiyeen hawl-galkooda Koonfurta Aasiya, dalalka halkaas ku yaalla uga taagaan calanka jihaadka.
 
 
Cajalad muuqaal ah oo uu soo diray Al-zawaahiri oo soconaysay muddo 55-daqiiqo ah ayaa wuxuu ku ballan-qaaday inay dib u cusboonaysiiyeen garab-istaaga iyo u daacad ahaanshaha hogaamiyaha Daalibaan, Mullah Maxamed Cumar.
 
 
Sidoo kale, hoggaanka Al-Qaacida wuxuu xusay in faraca cusub ee Hindiya ay noqon doonto mid isku xirta muslimiinta ku nool dalalka Bangaladesh, Bakistaan, Burma, maamul goboleedka Hindiya ka jira ee dadka muslimiinta ay ku nool yihiin iyo gobolka Kashmiir.
 
“Al Qaacida xaruntiisa cusub ee Hindiya waa fariin cusub oo muslimiinta ku nool dalalka Burma, Bangladesh iyo maamullada Hindiya ka jira, sida Assam, Gujarat, Jammu iyo Kashmiir, halkaasoo muslimiinta ku nool dhibaatooyin iyo cadaalad-darro weyn lagu hayo,” ayuu yidhi Ayman Al-zawaahiri.
 
 
Urur-weynaha Al-Qaacida ayaa ka howlgala dalal badan oo ku yaalla Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya, gacanka Carabta iyo kuwo kale, iyadoo tanina ay noqonayso in howlgalka Al-Qaacida ay ku baahiyeen dalalka dhaca Koonfurta Aasiya.
 
Berbera news/Hargeysa