Jaha-Wareerka Siyaasadda Dibedda Iyo Gudaha ee Somaliland: Staff Writer 

Tan iyo intii uu hoggaanka dalka qabtay Xisbiga KULMIYE, waxa dalka soo food-saarayey duufaano Siyaasadeed, Dhaqaale iyo dhaqanba. Muddada talada Waddanku ku jiray gacanta Xisbiga KULMIYE oo haatan sii caga-cagaynaysa Shan Sanno ku dhawaad, waxa uu Sannadba Sannadka uu ka sii dambeeyo u siibayey tiirarka aasaaska u ah hanaanka Dawlad-nimo iyo nidaamkii Dimoqraadiyeed ee la soo yagleelay muddadii labaatanka Sanno ee ka horeeyey Xukuumaddan, sida ilaalinta Xoriyatul Qawlka, Xuquuqal Insaanka, kala madax-bannaanida hay’adaha Garsoorka, Baarlamaanka iyo Xukuumadda, iwm.
 
 
 
 
Waxa ay Xukuumaddan waqtigeedii geba-gebada yahay si dhib yar u burburisay derbigii adkaa ee Jamhuuriyadda Somaliland iskaga xidhay Somaaliya, waxayna Baarlamaanka si fudud oo ka yar hal Maalin kaga dhamaysatay in lagu bedelo Xeerkii hore ee dhigayey in aanay Somaliland wax wada hadal ah la yeelan Somaaliya tan iyo intay ka samaysanayaan Dawlad loo dhan yahay oo dadku soo doorteen Madaxweynaha iyo Baarlamaankaba Xeer kale oo ah in wada hadal Shuruud la’aan ah lala galo Somaaliya.
 
 
 
 
Marxaladihii ka dambeeyey ee ay furmeen wada hadallada labada dhinac, waxay cid waliba ka dheregsan tahay in Maanta Xaaladdu la mid tahay tii Deyrkii Baarliin ee la dumiyey sidaana ku midoobeen labadii Jarmal, waxaynu haatan wax ka sugnaa Xamar, sida Deeqaha Waxbarashada, Lacagta Hawada ee ICAO, Saxeexa Shiidaal baadhista iwm. Qabyaaladdii oo wadata heeryadeedii ayaa kasoo if-baxday Kambal kasta oo dalkeena ka mid ah min Barri ilaa Galbeed, waxana innagu soo nooleeyey Xukuumadda oo Shacbiga kalsoonidiisii lumisay, taasoo sababtay in Qabyaaladii hesho fursadii ay dib ugu kasban lahayd kalsoonida dadweynaha, kadibna ugu danaysato markay isugu dhiibto Seefo Dhiiggu walcanayo.
 
 
 
 
Siyaasaddii dibedda iyo gudaha ayaa labadiiba Jaha-wareereen, iyadoo tii dibedda la innaga soo xidhay dhammaan albaabadii hore innoogu furnaa oo ay kow ka yihiin dalalka deriskeenu, sida Itoobiya iyo Jabuuti. Sidoo kale dalalka reer Galbeedka intoodii danayn jirtay arrimaha Somaliland ayaa iyana Dhegaha ka furaystay wax kasta oo ku lug leh dhinaca Siyaasaddda oo kasoo yeedha dhanka Xukuumadda KULMIYE, taasoo u sahashay Cadawga Somaliland inuu meelo badan ka doca-doceeyo.
 
 
 
Ta arrimaha gudaha ayaa iyana majara-habawsan, waxa Indhihii iyo qorigii ku jihaysnaan lahaa kuwa gudaha ka duminaya QaranimadaSomaliland lagu jiheeyey Muwaadiniinta reer Somaliland, gaar ahaan kuwa saluugga ka muujiyey sida ay wax u wado Xukuumaddu, kuwaas oo si naxariis darro ah loogu adeegsado Ciidamo loo carbbiyey inay la dagaallamaan Argagaxisada. Guryaha Muwaadiniin badan oo dhaliilay Maamulka Xukuumadda ama wax ka sheegay masuuliyiinta Sare ayaa Saq-dhexe Ciidamada aan soo tilmaamay hawlahooda ee loo yaqaan “RRU” iyagoo afka, indhaha iyo gacmahaba qarsaday u daataan, kuna furaan Rasaas, rigaaxaan Daaqadaha, albaabada iyo agabka kale ee Guryahooda, halkaana ay kasoo qafaashaan ciddii loo diro iyagoo juggo badan qaba ama dhawaac Xabbadeed qaba, ubadkiina muddo shoog ku jiraan, qaarkoodna si kale ku noqdeen Weerarkii Gurigooda ku dhex qabsaday.
 
 
 
Cadawga gudaha ayaa hela fursado kale oo uu ku waxyeelayn karo xataa dalalka aan deriska la nahay, kadib markuu ogaaday in gudaha war-moogi ka jirto, dabadeedna waxa buu ka dhigtaa Xarun uu iska dhex dego.
 
 
Geesta kale digniin ay bixiyaan hay’adaha kale ee dhinaca Amniga kala shaqeeya ama ka wada shaqeeyaan ayaa la dhayalsadaa, sababahaa iyo kuwo kale oo aan soo if-bixiniba waa waxyaabaha sababta u noqday in lay naga xidho marinadii keli ahaa ee inoo bannaanaa markaan u baahano arimo Caafimaad ama isku xidhka Dunida kale.
 
 
Sicir-bararku waxa uu marayaa halkii ugu sarraysay tan iyo intii Somaliland la soo noqotay Madax-bannaanideeda, waxana ka dhashay Sicir-bararkan saameeyey dan-yarta in Dhalinyaradii ugu badnayd ee reer Somaliland miciin bidaan dariiq hoogga iyo halasaha badan ee tahriibka, waxayna nolosha Silica iyo gaajada leh ee ay ku jiraan ka doorteen in Badweyntu liqdo ama Saxarahaba ku leefo harraadka iyo hanfigu ama Allah inta ka badbaadsho oo helo nolol u dhaanta ta haysata isaga iyo qoyskoodaba.
 
 
Haddaba, iyadoo ay dalka ka jiraan arrimahan iyo kuwa kale oo baaxad leh oo aan maqaal iyo laba lagu soo koobi karin, ayey haddana Xukuumaddani kelideed Sacab isku-tuntaa intay soo urursato kuwo la dhaqan ah guul-wadayaashii Siyaad Barre oo ay kolba walba waddo yar oo la madoobeeyey ka dhigataa wax-qabad. Waxan tallo ahaan ugu soo jeedinayaa Xukuumadda iyo Xisbigeedaba inay si dhab ah u furtaan Dhegaha, si ay u helaan xogaha dhabta ah ee ka jira dalka ee wada boogta ah, kadibna si fiican ugu daydo sidii ay u daweyn lahaayeen boogahaasi.
 
 
Berbera news/Hargeysa