Siyaasi Axmed Like Oo Xoriyaddiisa Dib U Helay, Ka Did Markii Ay Ciidamadda RRU-du Xabsiga U Taxaabeen

Hargeysa (Berbera news) Siyaasiga Axmed Xasan Cali (Like) ayaa xoriyadiisii dib u helay kadib markii Ciidanka RRU-du ay shalay gudaha Maxkamadda gobolka Hargeysa ka qabtay , isla markaana xabsiga u taxaabeen, kaas oo wakhtigaasi Maxkamadda u yimid si uu uga qaybgalo dacwada wasiir ku xigeenkii hore ee amniga Cabdilaahi Abokor Cismaan oo isagu xabsiga dhexe ee magaaladda Hargeysa maxkamad la’aan ugu jiray ka dib markii ay ciidanka RRU-du 12-kii bishii May ee sanadkan habeenimo saqdhexe ah ay gurigiisa ay kala baxeen.
 
 
 
 
 
 
Axmed Xasan Cali (Like) ayaa markii loo diiday inuu ka qaybgalo dacwada Cabdilaahi Abokor ee ay askartii wada hadleen ayuu sarkaalkii watay ciidanka RRU-da oo u muuqday nin amar wayn qabba uu amray in sabab la’aan xabsiga loogu taxaabo, kaas oo sida looga bartay mudooyinkii u danbeeyey dhaliilo hor leh xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo u marinayey warbaahinta madaxbanaan ee Somaliland.
 
 
 
 
 
 
Masuulkan sifadda sharci darada ah xabsiga loogu taxaabay ayaa ka mid ahaa dadkii sida wayn uga dhexmuuqan jiray isla markaana ula soo shaqeeyay xisbiga Kulmiye xiligii ololaha doorashada Madaxtooyada, balse waxa laga raacay Axmed like khilaafkii xisbiga Kulmiye labadda garab u kala qaybiyey oo uu ka mid ahaa siyaasiyiintii la saftay guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, taas oo sababtay inay siyaasiyan u kala fogaadaan marwada madaxwayne Siilaanyo marwo Aamino Warris, isla markaana Axmed Cali Like ayaa isagu ahaa xubnihi xisbul-xaakimka ee xiligaas khilaafka Kulmiye u arkeyey Muuse Biixi shaqsi hami-siyaasadeed leh oo wuxuu xaq u leeyahay doonaya.
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa