Wasiirka Kalluumaysiga Oo Iska Difaacay Eedo Musuq-maasuq Oo Loo Jeediyay

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Baddaha Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed) ayaa beeniyay warar mudooyinkii u dambeeyay sheegayay, kuwaas oo ku salaysnaa Qalab loogu tala galay Kaluumaysatada Degmada Laas-qoray oo la sheegay in Wasiirku ka iibiyay Kaluumaysato Dhinaca Puntland
u talawsan.
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Qalabkan la leeyahay wasaarada Kaluumaysiga ayaa musuq-maasuqday, habayaraatee waxba kama jiraan, Niman ayaa magaca laas-qoray iska sheegtay oo yidhi iskaashato ayaanu nahay,waxa iskaashato ahna anagu manaan arag, Raga waxaas oo been ahna sameeyey waxa weeyaan Ragii abaabulayay Shir ay doonayeen in ay nabada gobolada bari ku mija xaabiyaan, Kolay waxan yar ee aanu qaybinay waxa wadanka wada gaadhaya maaha ee hadii aanu degaan walba badh siinay,Maaha in layidhaa wasaarada Kalluumaysigu way musuq-maasuqday”Ayuu yidhi Wasiir Buureed oo Hargeysa kula hadlayay maanta warbaahinta
 
 
 
Wasiirku waxa uu sheegay in Degmada Laas-qoray la gaadhsiiyay qalabkii ay qaybta u heshay ”Agaasimaha maamulka ee halkan jooga ayaa qaybiyay dagma walba iyo gobol kasta intii loo dirayay Gaadhsiiyayna, Degaanka Ceelaayo iyo Laas-qoray ayaa lasiiyay Qalabkan kaluumaysiga, labada Meloodba Waa lasiiyay,Taasna waxa ay kusoo beegmatay isuduwihii gobolka oo la badlay,waxaana Qalabkaas loogu dhiibay Odoyaal ka mid ah iskaashatada labadaas gobol,Qalab dhexdayada ka baxayna majiraan” ayuu yidhi wasiirku.
 
 
Mudooyinkii u dambeeyay ayaa Eedaymo ku aadan inaan Qalabka Kaluumaysigu gaadhin Laas-qoray ka soo baxayeen Iskaashatooyin ka kaluumaysta Xeebahaasi, kuwaasi oo wasiirka ku eedeeyay inuu Lunsaday Qalabkaasi islamarkaana uu qiimo jaban ku Iibiyay.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa