Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Guddida Madaxweyne Siilaayo U Magacaabay Tabashada Awdal

Hargeysa (Berbera news) Gudoomiye xigeeka 1-aad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Axmed Muumin Seed, ayaa dhaliilay guddida Madaxweyne Siilaanyo u saaray Cabashada reer Awdal iyo sida uu uga jawaabay Cabashada Salaadiinta iyo Odaayasha sida rasmiga ah ugu cawday.
 
 
 
Axmed Muumin Seed waxa uu sheegay in Jawaabta Madaxweyne Siilaanyo ka bixyey Tabashada Saamiga ku salaysan ee Reer Awdal Shacabka Gobolkaasi gudo iyo dibad ba dhibsadeen.
 
 
 
 
“Odayaashu Madaxweynaha ayay si rasmi ah ugu yimaadeen, waxaanu runtii ka xunnahay haddaanu nahay siyaasiyiinta Gobolka ka soo jeeda in arintaas la marin habaabiyey oo la bedelay. Madaxweynuhu isagoo cabashadoodii dhagaystay ayuu u magacaabay guddida isagoo ka dhigaya Cabashadii ay qaranka Somaliland ka cabanayeen mid ay ka cabanayaan Shaqaalaha reer Somaliland ee jooga Gobolka Awdal. Runtii waanu cambaaraynaynaa qoraalka Madaxweynaha ka soo baxay waana mid lagu kala fogaynayo dadka Shicibka ah ee Somaliland wada leh. “ ayuu yidhi Gudoomiye xigeenka Waddani
 
 
 
Axmed Muumin Seed Waxa uu sheegay in Guddida Wasiirada ah ee Madaxweynuhu u saaray tabashada Awdal yihiin kuwii ay ka cabanayeen Xafiisyadooda iyo qaabka ay shaqaalaha u qaataan “Guddida uu madaxweynuhu u saarayna waa Wasiiradii ay dadka reer Awdal ka cabanayeen Xafiisyadooda iyo shaqaalaha ay qaadanayaan. Taas waxaanu u aragnaa inaan Madaxweynuhu ogolayn wada lahaanshaha qaranka Somaliland iyo midnimadiisa”
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa