Waaxda Difaaca Maraykanka oo xaqiijisay Geerida Godane iyo Al-shabaab oo qirtay

Washingon(Berberanews):- Waaxda Dicaafa ee Wasaaradda Gaashaandhigga dawladda Maraykanka, ayaa markii ugu horreysay caawa shaaca ka qaadday oo xaqiijisay dhimashada Hoggaamiyihii Kooxda Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane.

Dilka Axmed Cabdi Godane, ayaa yimi ka dib markii ay isaga iyo Saraakiil kale oo Kooxda ka tirsan Diyaaradaha Maraykanku habeennimadii Isniinta ee Salaasadu soo galaysay ku bartilmaameedsadeen Deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Saraakiisha Waaxda Difaaca ee Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka, ayaa caawa ka hor illaa intii isniintii inna dhaaftay weerarku dhacay ka gaabsanayey xaqiijinta in weerarka Diyaaradaha Millateriga Maraykanku ka fuliyeen Soomaaliya lagu dilay Amiirka Al-Shabaab, isla markaana ku doodayey inay baadhitaanka xaqiijinta dilkiisa ay ku jiraan.

alsh

Hase-yeeshee, Waxa ay Caawa fiidka si rasmi ah u xaqiijiyeen in hoggaamiyihii Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaallantaa ku dhintay Weerarka ay Isniintii ku qaadeen, taasoo ay sheegeen inay ku ogaadeen baadhitaan badan oo ay tan iyo intii ay weerarkaas qaadeen wadeen ka dib ay u cataatay inuu duqayntaas ku dhintay hoggaamiye Godane.

Dawladda Soomaaliya Masuuliyiin ka tirsan ayaa hore u sheegay in kasta oo ay adag tahay in la xaqiijiyo dhimashada Axmed Cabdi Godane, haddana ay aammisan yihiin inuu ku dhintay Weerarka ay ku bar-tilmaameedsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku.

Warkan waxaa lagu sheegay , in arintan ay sidoo kale guul u tahay sanado badan oo sir doonka Mareykanka ay ku daba jireen hogaamiyeyaasha argagixisada Gobolka.

Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa intaasi ku dartay in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto taageerada ay u fidiso  dowladda Somalia iyo ciidamada kaabaya ee Midowga Africa, dagaalka ay kula jiraan Al-shabab.

Dawladda Mareykanka, ayaa Al-shabab ku dartay liiska ururada Argagixisada bishii  Bishii February ee sanadkii 2008dii, iyadoo markii dambana dul dhigtay madaxa Axmed Godane lacag gaadheysa toddoba Malyuun oo doollar.