Diyaarad Rakaab Siday Oo Shil Ku Gashay Madaarka Muqdish

Muqdisho (Berbera news) Diyaarad rakaab oo ay leedahay Shirkadda Jubba Airways ayaa maanta si lama filaan ah shil ugu gashahay garoonka diyaaradaha Aadan Caddee ee Magaalada Muqdisho.
 
 
 
Diyaaraddan oo ka timid magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa siday 17-qof oo rakaab ah, iyadoo aanay jirin cid wax ku noqotay shilkan, waxaana loo sababeeyay shilkeeda cilad dhinaca lugaha ah.
 
 
 
Hawl-wadeenno ka tirsan garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay inay diyaaraddu dhulka ku dhacday, balse aanay jirin wax khasaare ah oo gaadhay rakaabkii saarnaa iyo diyaaradda lafteeda.
 
 
Shilkan ayaa waxa uu ka mid noqonayaa shilal dhawr ah oo garoonka hore uga dhacay, iyadoo weli aanay ka hadlin shilkan diyaaradeed ee garoonka ka dhacay Wasaaradda gadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda Soomaaliya.
 
 
Diyaaraddan ayaa nooceedu ahaa F50, waxayna duulimaadyo joogto ah ku tegi jirtay gobollada dalka, iyadoo sidoo kalena anaya hadlin shirkadda Jubba Airways shilka ay gashay diyaaraddooda.
 
 
 
Maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaan isaguna weli shilkan ka hadlin, iyadoo ay tani imaanayso xilli hawlaha garoonka ay si aad ah u soo kordhayeen sannadihii ugu dambeeyay, kaas oo dagaan maalin walba diyaarado caalami ah.
 
Berbera news/Hargeysa