Muj. Cali-Xaraaro Oo Gabay Kaga Hadlay Xaaladda Siyaasadeed Ee Somaliland

Hargeysa (Berbera news) Sudhatiyo surwaal gaabtay wataan
 
Hay sadqeeyeene, silsilada hay gaabiyeen suxulo weyntiiye
 
Sunta haygu mudo saqiif seefo loo tumay
 
Guulwade sawaabiyo, Siloon hay sudhnaadeene
 
Hadba haygu suuxeen sidii dumarka saarley
 
Suryada naloo galay,waa horey sahanka meersheene
 
Saxariirka rag badan bay ila qabao o sixirku haysaaye
 
Anagiyo reer Somaliland wey na sidataaye
 
Suugii Habaryoonis buu dul yaal,keebka loo sugaye
 
Samaroon sisaaradii ku timid,sigay ugaaskiiye
 
Ciidagale suldaaniyo ma jiro boqor wax sooraa
 
Arab waa tii salaad hore la galay sabab la’aaneede
 
Dhiigii sumsumay waad ogeyd siday ka yeeleene
 
Kulmiye six un buu u galay Sacad ragiisiiye
 
Wuxuu Muuse eersaday kursiga maalintuu sugaye
 
Iskadaa siyaasada dalkooy erey su’aalaane
 
Subeer Awal oo dhan baan Aadanow saxar la weydiin
 
Hartiga saa saa ka dhaba saaka Caliyoow ‘e
 
Sagaashan iyo kowdii ragii seeska kula taagay
 
Saxi meyso xaajada haddaad wax u sarbeebtaane
 
Saamigoodii maqnaa bay rabaan iney sexeexdaan
 
Haday wiil maqaarsaariyo iyo doonayaan lacag la sii siiyo
 
Xagaa iyo Soomaaliyaba waa ka buux saro la seexdaa
 
Afartaasi waa saxansaxadii Gaariye saadaalo iyo Qaasim Siinleeydii berigii wixii sababay weeyaane Afar kalena waxaan uga socdaa wey iga sixitaan.
 
Siiraanyo haddii kheyr lagu ogyahay waa la sugi laaye
 
Waxba kuma leh salaaniyo iyo wanaag duciyo sii dhowre
 
Sibiqbaa dalkaba looga baxay Cumar suldaanoowe
 
Sool iyo Sanaagiyo ilaa Saylac gudaheeda
 
Soomaalilaand oo idil ma jiro samo nin sheegtaa
 
Dhalinyarada saranseerku waa suuqa gaajada ‘e
 
Markii shaqo la siin waayay ayay socodka maaleene
 
Dalka waxay uga sii yaacayaan waxay saluugeene
 
Waxay sii sumsumayaan xagaa bariga Soodaan
 
Saxaaraha Galbeediyo baduu silic ku heystaa
 
Surmi bey u leedeen ragii seeskan dumin laaye La Soco.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa