“Qof Kasta Oo Daalim Ah, Waanu Soo Dhaweynaynaa In La Dilo” Xukuumadda Oo Ka Hadashay Dilkii Godane

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay in sida uu caalamku u arko dilka hoggaamiyaha Al-shabaab u arkaan, isla markaana la fikir yihiin beesha caalamka.
 
 
 
Wasiirka oo shirjaraa’id oo uu kaga hadlayo Diiwaangelinta madaniga ah oo la waydiiyey sida ay u arkaan dilka hogaamiyaha Al shabaab Axmed Godane ayaa si kooban u sheegay inay soo dhoweynayaan dilkaasi.
 
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Sida uu caalamku u arko ayaanu u aragnaa… Adduunka ayaana kala siman-nahay, qof kasta oo daalim ahna waanu soo dhaynaa in la dilo,” ayuu si kooban u yidhi wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Warancadde.
 
 
 
 
Berbera news/Hargesa.