Wasiirka Warfaafinta Oo Sheegay In Ciidamadda Amaanku Ay Baadhayaan Idaacad FM Ah Oo Laga Dhagaysto Hargeysa

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay inaanay xog rasmi ah ka hayn Idaacad FM ah oo laga dhagayso Hargeysa. Idaacaddan oo la yidhaahdo Radio baadi-goob ayaa mudooyinkii u dambeeyay laga dhegaysanayay Hargeysa, hase ahaatee Wasiirka ayaa sheegaya inaanay ahayn Idaacad weyn oo Muhiim ah.
 
 
 
Waxaana hadaladisii ka mid ahaa “Idaacaddaas dhawr qof baan ka maqlay laakiin, maaha Idaacad weyn oo Muhiim ah oo meelo fara badan laga maqlay, waa Idaacad xaafado ka mid ah Hargeysa uun laga maqlay sida la ii sheegay.baadhisteeda iyo daba galkeeduna wuxuu u yaalaa Ciidamada Amaanka, waad Ogtihiin oo haddii Idaacad noocaas oo kale ah meelahan lala dhuun-dhuunto waxaa suuro gal ah in Cadawguna midn a dhuun-dhuunto, sidaas awgeed ayaanu uga digaynaa”ayuu yidhi Wasiir Cukuse.
 
 
 
Idaacaddan ayaan ilaa hadda la Ogayn meesha ay taalo iyo cidda leh.wasiirka ayaa warkan sheegay wakhti uu ka soo baxay kulan uu lalahaa Guddida Arimaha bulshada ee Golaha wakiilada Somaliland
 
 
 
Halkan ka Daawo

 
Berbera news/Hargeysa