Xukuumadda Oo Ka Hadashay Walaaca Ay Mucaaridku Ka Muujiyeen Labadda Diwaan-gelinood Ee Isa-saaran

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Arrimaha guddaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa Sheegay in Diwaangelinta Codbixiyaasha iyo Muwaadiniinta ee Baarlamaanka hor-yaala hal mar la wadda qaban-karo, kuwaas oo Xisbiyadda Mucaariku ay sheegeen in haddii aan la kala saarin ay Caqabad ku noqonayaan Qabsoomidda Doorashooyinka lagu waddo inay dhacaan Sanadka soo-socdda.
 
 
 
Wasiirka oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargeysa waxa kale oo uu sheegay in Dawladda Fadaraalka Somaliya ay Beesha Caalamka ku war-gelisay in aana la Diwaangelin Muwaadiniinta Somaliland.
 
 
 
 
Halkan ka daawo.

 
 
 
 
Xisbiyada Mucaaridka ayaa dhawaan walaac ka muujiyay labadan Diwaangelinood ee isa-saaran, iyaga oo ku sababeeyay inay caqabad ku noqonayaan Qabsoomidda Doorashooyinka.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa