Golaha Wasiiradda Somalia Oo Shir Deg-deg Aah Oo Ay Yeesheen Xilkii Kaga Qaaday Agaasimihii Nabad-sugidda

Hargeysa (Berbera news) Golaha wasiirada Somalia ayaa shir aan caadi ahayn oo ay maanta Muqdisho ku yeesheen xilkii kaga xayuubiyay Agaasimihii guud ee Hay’adda nabad sugida Somalia Cabdillaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
 
 
 
“Shirkii maanta waxay Golaha wasiirradu xilkii ka qaadeen agaasimihii guud ee hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Somalia, Cabdillaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe)” ayuu warbaahinta u sheegay afhayeenka Xukumadda Somalia.
 
 
 
 
 
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July ee la soo dhaafay xilkan u magacaabay agaasimaha nabadsugidda, isagoo noqonaya agaasimihii ugu xilliga gaabnaa ee haya xilka hay’adda guud ee nabad-sugidda iyo sir-doonka Qaranka.
 
 
 
 
 
Lama oga sababta rasmiga ah xilka looga qaaday Agaasimaha nabad sugida, iyadoo wax faahfaahin ahna aanay ka bixin masuuliyiinta xukumadda, hase ahaatee wararka ayaa sheegaya in khilaaf soo kala dhex galay masuuliyiin xukumadda ka tirsan.
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa
 
 
 
 
.