“Waanu Soo Dhaweynaynaa Geerida Godane, Waxaanu U Aragnaa Guul” Madaxweynaha Puntland

Hargeysa (Berbera news) Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dilka hoggaamiyihii Al-shabaab ay guul weyn u tahay Soomaaliya iyo caalamka, isagoo sheegay in Axmed Cabdi Maxamuud Godane uu ka mid ahaa tiirarkii colaadda Somalia iyo guud ahaan caalamka.
 
 
 
 
 
Cabdiweli Gaas ayaa intaas ku daray in Axmed Godane uu ahaa mid dhibaatooyin kala duwan u horseeday dadka iyo dalka Soomaaliya, isagoo xusay in Puntland ay soo dhawaynayso dilkiisa.
 
 
 
 
‘’Puntland way soo dhaweynaysaa dilka Godane, waxaana hamblayo dilkaas ku aaddan u diraynaa cid walba oo gacan ka gaysatay,” ayuu yidhi Cabdiweli Gaas oo warbaahinta kula hadlayay xarunta Puntland ee Garoowe.
 
 
 
 
Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiri. “Axmed Godane wuxuu ahaa ruux ugu weyn kuwa dhibaatada kawada Soomaaliya. Marka haddii uu Soomaaliya dhaafay waxaan is-leeyahay wax badan bay arrintaasi Soomaliya ka badalaysaa.”
 
 
 
 
Sidoo kale, dowladdaha Soomaaliya iyoSomaliland ayaa iyaguna soo dhaweeyay dilka hoggaamiyihii Al-shabaab, waxaana ay ku tilmaameen dilka Godane mid guul u ah.
 
 
 
Axmed Godane oo loo yiqiin Sh. Cabdiraxmaan Abuu-Zubeyr ayaa tan iyo 2008 wuxuu ahaa hoggaamiyaha Al-shabaab, isagoo dhowr jeer ka badbaaday is-ku-dayo la doonayay in lagu dilo.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa