Xisbiga UCID Oo Ka Hadlay Dacwad Ay Somalia Ka Gudbisay Shirkad Shidaal Ka Sahaminaysa Deegaanada Somaliland

Hargeysa (Berbera news) Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay Dacawad la sheegay in Dawlada Fadaraalka Somaliya ay ka gudbisay Shirkad lagu magacaabo DNO oo laga leeyaahay Dalka Norwey, taas oo hore Heshiis Shidaal baadhis ah ula gashay Somaliland.
 
 
 
 
 
Jamaal Cali Xuseen oo Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa waxa kale oo uu sheegay in Wadamadda Somaliland ka teegera arrimaha Doorashooyinka ay hayaan Dhaqaalihii ku bixi-lahaa Diwaangelinta Codbixiyayaasha, iyadda oo Wasiirka Arrimha Guddaha Cali Maxamed Wara-cadde uu arrintaasi shalay ka hadlay.
 
 
 
 
Halkan ka Daawo.

 
 
 
 
Muddooyinkii u dambeeyay Waxa Somaliland Sahamin Shidaal ka wadday Shirkaddo Ajaanib ah oo ay Xukuumaddu heshiis la ogasahay, hase-yeeshee lama garanayo saamaynta ay ku yeelanayso Talaabaddani.
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa